Saturday, April 5, 2014

Doodda Ictiraafka Somaliland oo Baarlamanka UK ka bilaabantay


Baarlamanka oo doodda Aqoonsiga Somaliland bilaabay Khamiistii iyo Salaasadda oo su’aalo la waydiinayo Xafiiska FCO




Dadka reer Somaliland ee daafaha adduunka oo yihdidiilo hor leh gashay iyo BBC-da oo lagu eeddeynayo xaglin




doodLondon(GNA)-Aqalka hoose ee Baarlamanka Ingiriiska ayaa la filayaa inay salaasadda su’aalo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland waydiiyaan xoghayaha arrimaha dibada iyo Barwaaqo Sooranka ee dawladda Ingiriiska.




Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay Gollaha deegaanka Degmad Sheffeid Arbacadii todobaadkii hore cod ku meelmariyeen go’aan ay ku aqoonsadeen madaxbanaanida Somaliland.




Xildhibaano laga soo doorto deegaanka laga aqoonsaday Somaliland ayaa dabada ka riixaya arrintan.




Khamiistii ayaa laba Xildhibaan oo Golaha Baarlamanka ka tirsani doodda arrintan u soo gudbiyeen Golaha .




Laakiinse Salaasadda  todobaadkan ayaa arrinta ugu xiisaha badan iyo ololaha Ictiraafka Somaliland la filayaa inuu hadheeyo aqalka Baarlamanka ee hoose.




Inkasta oo Wasaaradda arrimaha dibadda ee Uk, aad moodo inay wali si taxadar leh isha ugu hayso arrintan, hadana waxa muuqata inuu jiro caddaadis dheeraad ah oo ka imanaya dhinaca Hay’addaha sharci dejinta iyo bulshada oo dawladda ka socda.




Ingiriiska ayaa hore qaddiyada Somaliland ugu riixi jiray dhinac afrika.




Laakiinse dadka ka faallooda arrimaha diblomaasiyaddu waxay haatan aaminsanyihiin in isbedel wayn laga dareemayo FCO iyo guud ahaan siyaasaddaha Khaarajiga ee Boqortooyadda.




Somaliland ayaa ka mid ahayd waddamadii uu Ingiriisku Gumaystay qarnigii 18 ilaa Badhtamihii qarnigii 19-aad, laakiinse markii ay madaxbanaanida ka qaadatay 1960 waxay la midowday Somalia.




Midnimadii Somalia iyo Somaliland ayaa ku bilaamay is-faham la’aan siyaasaddeed iyo tabasho dhanka Somaliland ka imanaysay taasoo aakhirkii sababtay inay xornimaddeed dib ula soo noqoto sanadkii 1991-kii, dagaal dhiig badani ku daatay iyo gabood falo dad rayid ah loo geystay ka dib.




Ingiriiska ayaa ka mid ah waddamada Taageeradda dhaqaale iyo midda siyaasaddeedba siiya Somalilnd ilaa xiligan dambe ee dib ula soo noqoshada xoriyadda.




Dadka reer Somaliland ee gudaha dalka iyo dibada ku kala nool ayaa si weyn ugu dhegtaagaya dhawaaqyada kala dambeeya ee ka soo baxaya dhinaca dawladda Ingiriiska.




Siciid Faarax oo fariin noogu soo diray barta Linkedin-ka ayaa yidhi “mashaa’allaah waa guul weyn ".




Sidoo kale Asma Xasan oo isla mareegtan farriin gaaban ku soo dirtay ayaa tidhi “somaliland aqoonsigeedu waa guul wayn, maanshaalah”.




Tobanaan qof oo kale oo daafaha adduunka nagala soo xidhiidhay ayaa iyaguna si weyn arrintan u bogaadiyay.




Aamina oo ah sarkaalad u shaqaysa Xafiisyada dawladda Somaliland ayaa tidhi “arrintarni maaha wax la dhayalsan karo waa arrin aad u culus oo u baahan in la dhiiri geliyo”.




Laakiinse dadka qaar waxay si weyn  u dhaliilayaan Iddeecadda BBC-da qaybteeda afka Somaliga ku hadasha oo ay leeyihiin arrintan way ka aamustay “Iddeecadda BBC-da waxaanu ka mid nahay dadka Soomaaliga ku hadla ee dhegeysta arrintan si cad ayay uga aamustay, waana godob ay ka gashay Dadka reer Somaliland.




Sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa dadka reer Somaliland ayaanay dhegeysan”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Caydaruud oo ka mida dadka ka faallooda arrimaha Siyaasadda ee Hargeysa degen.




Sidoo kale Cabdifataax oo ka mid qoreyaasha mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Somaliland ayaa yidhi “labada Iddaacadood ee BBC-da iyo VOA-duba sabab ay uga gaabsadeen arrintan warbaahinta kale ee caalamku baahisay lama garanayo,laakiinse dadka reer Somaliland waa ku gef”ayuu yidhi isagoo la hadlayay wariyeyaasha Gobanimo.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com