Tuesday, April 8, 2014

Boqolaal Somaaliya oo Ciqaab ku sugaya Garoon kubadda lagu ciyaaro "Nairobi"


 xadhisNairobi(GNA)-Dawladda Kenya ayaa wali Magaaladda Nairobi ka uruurinaysa dad Soomaali ah oo lagu eeddaynayo inay sharci daro ku joogaan dalkaasi iyo qaar sharci haysta oo tuhumo kale loo xidhayo.




Kun ku dhawaad ruux oo la qabtay todobaadkan ayaa ku sugan garoonka cayaaraha ee Kasarani halkaas oo ay ku xiran yihiin.




Xadhiga dadkan iyo hawl-galada lagu ugaadhsanayo Soomaalida ayaa ka dambeysay ka dib qaraxyo usbuucii hore ka dhacay Nairobi iyo cabsida dawladdu qaaday wixii ka dambeeyay weerarkii westgate.




 Kenya ayaa sheegtay  inay tallaabo ka qaaddayso dadka sharci darrada ku jooga dalkeeda.




Mas'uuliyiin ka socda waaxda socdaalka ee Kenya, ayaa gaaray goobta dadkaasi lagu xiray, waxaanay  eegayaan warqadaha aqoonsiga ee dadku ay wataan, si ay u kala saaraan kuwa qaxootiga iyo kuwa kale.




Dadka xidhan waxa ku jira dad uu ka dhacay Sharciga dal ku galka ee ay waddankan ku yimaadeen.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dawladda Soomaaliya oo looga jawaabayo xaaladda cakiran ee soo waajahday mawaadiniinteeda.




Soomaaliya iyo Kenya ayaa hore heshiis uga gaadhay in qaabka qawaaniinta Caalamiga ah waafaqsan loo soo celiyo Qaxoontiga ku jira Xeryaha Kenya ee Qaramada Midoobay gacanta ku hayso.




Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Maxamad Cali Amerika ayaa sheegay in dadka sharci darrada ku jooga Kenya dib loogu celin doono Soomaaliya.xadhig




Madaxweynaha Kenya ayaa horey u sheegay in dalkiisu sii wadi doonin martigelinta qaxootiga.




kooxaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa sheegay in dadka loola dhaqmay si ka baxsan bani'aadannimada oo xuquuqdoodda qaxoontinimada lagu gefay.




Ku soo biiridii Kenya ee AMISOM oo dhibaato ku keentay Soomaalidii dalkeeda joogay iyo kuwa Soomaaliya




Dawladda Kenya ayaa ciidamaddeedu soo galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2013, kana mid noqotay hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya.




Xoogaga Al-shabaab ayaa wacad ku maray inay weerraro ka fuli doonaan Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.




Koox Ururka Alshabaab sheegtay inay ka tirsanaayeen oo hubaysan ayaa bishii August ee sanadkii 2013 qabsaday qayb ka mida xarun Ganacsi oo dadka ajaanibka ahi ku badnaayeen.




Westgate Mall, ayaa lagu dilay dad ka badan lixdan qof, boqolaal kalena lagu dhaawacay.




Magaallooyin kale oo ka mida dalkaasi ayaa la aaminsanyahay inay xoogaga xag-jirka lagu magacaabaa awood badan ku leeyihiin.




Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa dhawaan Albaabada isugu dhuftay Masaajid lagu hanuunin jiray dadka jihaad doonka ah oo ku yaala Magaalada xeebta ku taala ee Mombaasa.




Gobanimonews




Kampala Office




Email: editor@gobanimonews.com