Friday, April 4, 2014

20-sano Ee Ug Dambeesay Iyo 5-weeraryahan Ee Dunida Ugu Wanaagsan


Top-five-forwards-of-last-20-yearsDoorka weeraryahanka wuxuu yahay inuu goolal badan dhaliyo sidoo kalena kooxdiisa ka caawiyo inay ka bad baado halista soo wajihi karto sidaa darteed waxaa dhawaan lasoo bandhigay 5-weeraryahan ee dunida ugu wanaagsan gaar ahaan 20-sano ee aan kasoo gudubnay wacdaraha ka dhigeen masraxa garoomada, inkastoo caalamka ay soo mareen 20-sano ee aan kasoo gudubnay xidigo shabaqa saaxiib la ah sidoo kalena tayadooda aad u sareeyo hadana waxaa si gaar ah looga soo dhex xulay 5-weeraryahan oo lagu doortay in wax qabadkooda uu aad u sareeyo, hadaba hoos kaga boogo weeraryahanada loo doortay inay dunida ugu wanaagsan yihiin 20-sano ee aan kasoo gudubnay:




 




5. Filippo Inzaghi: 40-jirkan u dhashay dalka Talyaaniga wuxuu usoo cayaaray naadiyo farabadan balse kooxaha Juventus iyo AC Milan, weeraryahankan waxay Milan sanadii 2002 £17 million kaga soo iibsatay kooxda Juve guud aha Inzaghi wuxuu dhaliyay 288-gool asigoo cayaaray 623-kulan intii uu kubada cagta kusoo jiray.




 




koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:




 




Juventus: 1-Serie A, 1- Supercoppa Italiana




 




AC Milan: 2-Serie A, 2-UEFA Champions League, 1-Copa Italia & FIFA Club World Cup




 




Xulka Italy: 2006 FIFA World Cup




 




4. Andriy Shevchenko: Lama iloobi karo halyeegan wixii uu kubada cagta kusoo kordhiyay intii uu la joogay kooxaha Dynamo Kyiv iyo AC Milan, weeraryahankan mudadii 8-sano ee uu Milan ka tirsanaa wuxuu dhaliyay 175-gool  asigoo u saftay 322-kulan sidoo kale xulkiisa Ukraine wuxuu u saftay 111-kulan asigoo u dhaliyay 4-gool.




 




koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:




 




Dynamo Kyiv: 5- Ukrainian Premier League, 3- Ukrainian Cup




 




AC Milan: 1-Serie A, 1-Copa Italia, 1-UEFA Champions League




 




Chelsea: FA Cup & League Cup




 




3. Thierry Henry: halyeega reer France iskoorada uu ka dhigay Premiership-ka weli lama jebin sidoo kalena waxaa la iloobi karin inuu Arsenal u qaaday horyaal aan laga badin haka reebin xulka France guulo taariikhi ah ayuu la qeebsaday wuxuuna Arsenal u dhaliyay 228-gool asigoo u saftay 377-kulan maal mihiisii cayaareed ee ugu dambeeyay Barcelona ayuu guulo taariikhi ah la qeebsaday.




 




koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:




 




Monaco: 1-Ligue 1 France




 




Arsenal: 2- Premier League, 3-FA Cup




 




Barcelona: 2-La Liga, 1-UEFA Champions League, Copa del Rey, FIFA Club World Cup




 




Xulka France: 1998 FIFA World Cup & Euro 2000




 




2. Raul Gonzalez: ruug cadaagan 16-sano ayuu magaalada Madrid ku qaatay wuxuuna Real la qeebsada guulo taariikhi ah sidoo kalena waa xidiga ugu goolasha badan koobka horyaalada Yurub, Raul 323-gool ayuu Madrid u dhaliyay asigoo u saftay 741-kulan dhamaan tartamada kala duwan.




 




koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:




 




Real Madrid: 6-La Liga, 3-UEFA Champions League, 3- Supercopa de Espana




 




1. Ronaldo: mucjisada reer Brazil 4-naadi oo caalamka laga tixgaliyo ayuu usoo cayaaray waayihiisii cayaareed ee ugu quruxda badnaa, guud ahaan intii uu kubada cagta kusoo dhex jiray wuxuu dhaliyay 352-gool asigoo cayaaray 518-kulan mudo 18-sano ah ayuu garoomada kusoo jiray haka reebin xulkiisa Brazil guulo aan la iloobi karin ayuu la qeebsaday.




 




koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:




 




Barcelona: UEFA Cup Winners’ Cup, Copa del Rey & Supercopa de Espana




 




Inter Milan: UEFA Cup




 




Real Madrid: La Liga, Intercontinental Cup & Supercopa de Espana




 




Xulka Brazil: 2-FIFA World Cup (1994 & 2002), 2-Copa America (1997 & 99), 1- FIFA Confederations Cup.




 




Xidigo mudan in liiskan lagu daro balse laga reebay: Samuel Eto’o, Gabriel Batistuta, Ruud van Nistelrooy, Hernan Crespo, Dennis Bergkamp, Henrik Larsson, Eric Cantona, Alan Shearer and Alessandro Del Piero.