Waxa dhammaaday shirweyni xisbi xaakimka Kulmiye, xisbi sal balaadhan, loolan adag, rag iyo haween miisaan siyaasadeed lihi buuxshay, xisbi gogal xaadh badan, dhegeysi wacan, guddiyo badan, soo-jeed badan, tabco iyo xeelad badan, dimuquraadi fursado badan, tartanku furan yahay, haddana uruuris wacan.
Waxa la rogrogay qaabab badan oo wax loo curto. Waxa la saadaaliyey tan ugu habboon, maan jeceleysan oo sibaan u arkaayey. Waxay noqotay mid cid meesha ka saaraysa cidna soo galinaysa. Talo se waxay la taala nin la tumay. Wey qaateen arrin ugub ku ah xisbiga, waxa qiimo weyn la siiyey cidda xisbiga ku cusub. Rag iyo haween hore cadhoode, badina laba halmaan. Mey hadhin oo waxay dhiibteen badheedhahooda, foodda ayaa leys daray. Waxay noqotay idinku cidda wax soo dhoweynaysa ayaa tihiin, cidda martida loo yahay yaa tihiin, cidda u baahan cududa ku soo biireysa ayaad tihiin.
Gar waaqsanay anagoo guuxayna. Ka hawl galnay sida cid marti loo yahay wax u soo dhoweyso. Habeenkii guuraynay, ka hawlgalnay soo uruurinta rayiga iyo roorayaasha. Sida xisbi kasta oo dimuquraadi ihi u dhaqmo u roornay oo doonay inaanu tartanka soo uruurini, xal u helno oo afgarad shirki horti la gaadho. Wax yar ayey dhacda dunida dimuquraadiga ah in shirweyne lagu tartamo, waxa lagu soo dhammeeya debedda oo loo kala hadha iyadoon leys jujuubin, ee tanaasul iyo is qancin ayaa guntu tahay.
Ku guuleysanay oo boos kasta u helnay qof kaliya oo buuxsha. Waxa xigta in loo helo oggolaanshaha shirweynaha oon la' aanti ayna suurtagal ahayn in la meel mariyo tanaasulkii debedda lagu soo dhammeeyey. Hawsha waxa gunteeda hayey Hoggaanka xisbiga iyo Xukuumadda.
Waxa suurtagal ka dhigay inay soo afjaraan kala-maan dhexyaalay Hoggaanka iyo Koox Wasiiro ah, labada hoggaamiye Madaxweyne Axmed Maxamed iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo ah rag muddo dheer rafaad iyo raaxaba isla soo maray, laba hoggaamiye oo aqoontooda khilaaf suulintu tahay mid taariikhi ah. Waa hoggaamiyaal kolkay cidhibta isla helaan aan cidi is hortaagin. Xeelad iyo tab yaqaano xadhiga siyaasadda meelo badan ka garaaca.
Wey timid goobteed iyo gole il yartu is qabatey waa xiligeedi. Guushii la soo dhiraan dhiriyey afaafka ayey isa soo taagtay.. Waa Siyaasi Gaafaadhe iyo taladii Qudhaanjada..habeen ka hor yaa taladeed la gaadhay, farxadda se waxa lala sugaayey Golaha..Mujaahid Maxamed Kaahin loo bannee jagadi bariga lagaga soo duulay. Gaafadhana qaaday go'aan ka dib kolkuu muujiyey inayna Beeshu ahayn mid afka la hayo ee ay tahay mid qof waliba hankiisa sheegan karo.
Waa halyeeyadi Basbaaso oo iyna sheegtay inay Shinidu tahay mid ilaashata midnimada iyo isku duubnida, Waxa barbarb taagan Xoghayaha Guud Xasan Saciid, waxay raacsaday siday ugu faraxday go'aanka Madaxweynha ee kootada Golayaasha ee haweenka..Haweenkana u dirtay fariin ah aynu is muujino kolka doorashadu timaado.
Waxa la sugaayey libaaxyada iyo reenkooda oo la maqlay ayaamihii ugu dambeeyey. Dhakhtarki soo kac kana sanqadhi lalo libaax oo Waabeeye oo ayaamahan hareeraha eegaayey mar kaliya dhoolo caddee, iyagoo gacmaha is haystana taaj libaax la saar.
Waxa la sugaaba waa coddeenti. Waa raggii hawsha soo waday oo xisbigu isla gartay inay yihiin hoggaankii guusha keenay xili adag oo la furay ururada. Xili la filaayey inuu wiiqmo wadajirka xisbigu, xili ururo reereysani soo baxeen. Waxaan la halmaamayn guusha xisbigu ka keenay dhammaan lixda gobol oon cidi u soo dhoweyn, si gaar ahna guusha Madaxweyne xigeenku ka keeney Gobalada Awdal iyo Salal iyo tan Guddoomiye Muuse ka hantiyey Gobalada Maroodi-Jeex iyo Saaxil, iya Guusha Maxamed Kaahin ka midho- dhaliyey Togdheer.iyo tan Tanlanye ka keenay Sool iyo Sanaag.
La weydii sida sharciga ah in ay jiraan cid diidani kolkuu gacmo tiro beelay ay u taagan haaa raaciyeena dhawaaq iyo sacab. Guddoomiyaha la waa cid kaliya oo maya tidha inta kalena waxaan faro ku tiris ahayn loo waa. Waa haa iyo haa aan maya iyo mooji meelna lagu sheegin.
Waa guulahaas kuwa dhaliyey in dib loogu doorto kooxdii guusha dhaklisay.
Hanbalyo iyo bogaadin diiran ayaan u diray Hoggaanka Xisbiga, waxaana na deeqday balanka aad u qaadeen inaydun dhowrtaan sharciyada xisbiga iyo qaranka, una hawl gashaan horumarka iyo midnimada qaranka. Waxaanu nahay tiirarka xisbiga ee la halmaamay, dulqaadkeed waanu leenahay, laakiin mar walba ahaan karimeynu inaanu noqon hangool.
Tanaasulka waxa ka hawlgalay hangooladi Kulmiye.Hangoolku reerka wuu soo oodaa, oo colkana wuu ka deyraa, cid ka baxdana wuu ka deyra.
Guul iyo Wadajir
Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
Hargeysa (GNA) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socday dalka koonfur Africa kuwaas oo Somaliland kala shaqayn doona hawlaha ictiraaf raadinta Jamhuuriyada Somaliland iyo in Dalkani noqdo mid ka mida beesha caalamka ee la aqoonsan yahay ayaa waftiga uga mahad naqay imaatin kooda iyo gacan ka gaysashada qadiyada Somaliland Madaxweynaha Somaliland oo ku bogaadiyay sida ay diyaarka ugu yihiin inay qadiyadaasi aad nagala shaqaysaan kulankaa madaxwaynuhu markuu dhamaaday waxaa ka warbixiyey wasiirka arrimaha Dibeda iyo Xubin ka mida weftiga.
HAMBALYO MEHER WACAN

Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay wehelinayaan Wasiir-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Mudane Xasan Cabdi Madar, Xoghaya gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali iyo Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada, Mudane Abshir Xasan Xaashi sidoo kalena waxa ku wehelinaysay xafladan kala wareejinta baabuurta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan oo iyadu goob joog ka hayd madashan.
Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland iyo Puntland ka wada hadlayaa arrimo ku saabsan muranka Soohdinta labada Maamul.
Munaasibad lagu xusayo sanad guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland ayaa lagu qabanayaa Seattle Washington ee dalka Maraykanka.
Muqdisho(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab, sababo amni daro iyo go'doon awgeed.
Hargeysa(GNA)-Todoba xubnood oo hogaamin doona Xisbiga talada haya ee Kulmiye Shanta sanadood ee soo socda ayaa Maanta Guddoomiye looga dhigay Muuse Biixi Cabdi oo afar sanaddood xilka ku meel-gaadh u hayay, waana hogaamiyaha sharciga ah ee xisbigaasi hada laga bilaabo.
Muuse Biixi Cabdi waa Nin ka mid ah Halgameyaashii SNM.
“I thank our Emirati brothers for their generous donation to the people of Somali, one that will help us to deliver both security and medical treatment.”said Hassan Sheikh

Tunis(GNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika H.E. Donald Kaberuka iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Bankigaasi.
Muqdisho(GNA)-Xildhibaannada baarlamanka Somalia ayaa Maanta mar kale su’aalo waydiiyay wasiirada amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre.
Shirwaynahi xisbiga kulmiye ee wadanka shalay ka dhacay waxa u aha mid wadanka ku so caliyay marxaladi la marayay wakhtigi aynu la so noqonay gooni isu taga ee 1991 marxlad beleysan islamarkana reeraysan marka laga hadlayo xisbi sharci ah oo wadan waxa markiba maskaxdada ku so dhacaysa in eryaga xisbi yahay mid qabylada iyo reernimada lagaga so horjedo islamarkana bulshada u horseedi kara is dhexgal iyo isku so dhawan umada shacabka reer Somaliland lakin tani waxay ahayd mid inagu cusub kaga si daran waxa taas dherayd marki reerkasta wax uu u fadhisan dona gaarkis wali wax inagu cusub weye wa wax horusocdki iyo himaldi wadanka dib u celiyay wa wax laga xishodo in lagu tilmaamo xisbi xakim wadan dhan hogaminaya . Dhanka ergooyinka ka socday xisbiga kana so qayb galay waxa lagu qiyasay inay ahayen 801 ergo sida hadalka lo dhigay oo ka kala socda gobolkasta balse la oran karo waxay salka ku hayan qabil tusale koban an idinka siyo dunidan an manta jogo waxa ugu dad badan wadanka chine waxana ku nool qowmiyado kala gadisan kala diimo ah kala dhaqan duwan dadkisana waxa lagu qiyasa 1.357 billion waxana wadanka gacanta ku haya xisbiga shuuuciga lo yaqano , xubnaha xisbiga u diwan gashan waxa lagu qiyasa 80milyan .ergooyinka ka so qayb gala xisbiga ee u diwan gashni ee wadanka oo dhan laga so xulo waxa weye 2,270 waxad is waydin karta shinaha oo ah wadanka dunida ugu dadka badan islamarkasna Intas oo 2.270 qof yahin ergooyinka, manta inaga oo ah wadan yar oo curdin ah islamrkana misaniyadisa sanadki anay ka badneen 152 Million waxaynu aragna faraqa u dhexeya wadanka chine dhaqale ahan waxa u haysta ama sanadki ku xisabtama lacag dhan9.182 trilion tusale koban markan ka baxiyo wadanka chine oo ah wadamada aduunka ugu so wax so sarka badan aynu ku samenay isbarbar dhig dhanka xisbiga shuciga ah ee wadanka haysta iyo xisbiga kulmiye oo la oran karo 3 laba melod waxa badan xisbiga shuciga ,,, Tusale kale wadanka labad ee adunka ugu dadka badani waxa weye wadanka India oo ay ku nool yahin dad lagu qiyasay 1.237 bilyan xisbiga wadanka haysta wa xisbiga congreska islamarkana xubnahisu waxa weye 15 malyuun ergooyinka shirwaynahu waa 3,000 oo xubnood Hadaba runti manta wadanku waxan oran kara waxa gacanta ku haya dad an dan gara leh islamark la oran karo wa calooshoda u shaqeystayal wayo waxad ka garan karta lacagta inta leeg ee lagu luminayo shirwayne xisbi iyo ergooyinka intaas tiradoodu legtahay markan ka hadalo 801 ergo ama xubnood ka so qaad hargysa oo ah casimada wadanka somaliland inay saamiga ay ka heshay tahay 40% inta kale waxa lo qaybinaya 5 goboll ee Somaliland gobolkina waxa ku so hagagaya qiyaas ahan wax ka yar 10% . hadaba waxa nasiib daro ah wadanki iyo umadi iyo xisbiga lagu hanka wayne ee umadu codkoda siyen ee kulmiye islamarkana hadafka lagu dortay aha inay wax ka badal dhankasta ah ay jawabti umada uga dhigen inay ku so celiyan wakhtigi laga so gudbay iyo marxalad laga so gudbay an manta wadanku u bahan yahay umad yahay wadanku kharyad fican waa leyahay hadi la hayo dawlad nadiif ah islmarkana danta umada iyo bahida umada shacab wayanaha garata ………………………
Caddaadley(GNA)-Koox Wasiirro, siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameedyo Taabiciyiinta Xukuumadda ka tirsan, xubno hore xilal uga soo qabtay Xukuumadda iyo Xisbiyahano Gadaal kaga soo biiray Kulmiye, ayaa todobaadkii hore ka qayb-galay, xaflad aad u abaabulan oo lagu qabtay Degmada Cadaadley oo ka mid ah Deegaamadda Qadiimiga ah ee Gobolka Maroodi-jeex “Hargeysa”.
Bilowga Mashruucaasi oo noqonaya kii ugu horeeyay ee xisbi Mucaarid ahi isagoon hogaaminta waddanka gacanta ku dhigin, waxa dhagax dhigay, isla markaana guddi farsamo ku wareejiyay xoghayaha Xanaannada xoolaha iyo xubno kale oo xisbiga WADDANI ka tirsan, ka dib markii Guddoomiyaha xisbigaasi u balan qaaday bulshada deegaanka mar uu booqasho ku tegay.
Muqdisho, Isniin, April 28, 2014 –(GNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur, oo Muqdisho soo gaaray Axaddii 27-kii April kaddib markii loogu yeedhay inuu Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyo xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga Kenya.