Tuesday, March 18, 2014

Xaaladda Boosaaso Kacsan iyo Baadhitaano xoogan oo socda


Boosaaso(GNA)-Xaaladda Magaallo Ganacsida xeebta saaran ee Boosaaso ayaa caawa kacsan, ka dib markii galabta meel 20KM u jirta lagu dilay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Aaga Galgala Col. Jaamac Saciid Af-guduud.Jaamac Afguduud




 



Ciidamadda Amniga ayaa baadhitaano xoogan ka wada gudaha Magaalada, kaasoo horeba u socon jiray balse caawa la sii laba jibaaray, mase jirto cid ilaa hada loo qabtay dilka tuhun iyo caddaan toona, sida ay Gobanimonews ka heshay saraakiisha amniga Gobolka.




Goobaha baadhitaanka laga sameeyay ayaa u badan xaafadaha dhexdooda, sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen goob-joogeyaal “Jawigu waa xaalad kacasan, waxaana socda baadhitaano balaadhan”sidaasi waxa yidhi goob-jooge magaciisa qariyay oo Gobanimo la hadlay.




“horta baadhitanku xaga casimada ganacsiga, Waa mid markasta joogto u badan, ta kale waxan caawa dhacay jawaabtisu waxay u eegtahay, Hawl gal ciidan. Hada sida ii muuqata, taasoo Waxay u eegtahay. Kolay waa meeshii ay la gasho arintu ciidanka”ayuu sheegay goob jooge kale oo suuqa ku sugan.




Goobta dilku ka dhacay ayaa u dhow mid ka mida fadhiisimada ciidamada,waxaanay 20KM u jirta Boosaaso.




Dawladda Puntland ayaa ilaa hada wax jawaab ah ka bixin la’ aragtideeda ku aadan dilkan oo ay sheegatay Al-shabaab, taasoo dadweynuhu hada isweydiinayaan sababta maamulku uga aamusay.




Coll. Jaamac Saacid Af-guduud ayaa bulshada reer Puntland ku tilmaami jireen Gaashaanka kaga gudban Weeraradda Al-shabaabta Galgala “Ninkaasi wuxuu ahaa Sarkaalka ay ka nuuxsan waayeen kuwa xalaalshaday daadinta Dhiiga shacbigu”ayuu yidhi Nin ka mida Bulshada Rayidka ah ee ku nool Magaalada Boosaaso oo Gobanimonews la hadlay.




Dilka ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee lagu qaarajiyo Sarkaal derejadiisa ciidannimo sarayso intii maamulka Cabdiwali Gaas xilka qabtay.




Gobanimonews




Boosaaso Office




Email: editor@gobanimonews.com