Boosaaso(GNA)-Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay dilka Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Aaga Galgala Col. Jamac Saciid Warsame Af-guduud oo galabta weerar gaadmo ah lagu dilay.
Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere oo la hadley Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay iney iyagu ka dambeeyeen weerarka oo uu sheegey inuu ahaa mid qorsheysnaa.
Dawladda Puntland ayaan wali ka hadal dilka Taliyaha.
Col. Af-guduud ayaa dagaalyahanada Al-shabaab ee Buuralayda Gal-gala iyo Deegaamada gobolka bari la galay dagaalo qadhaadh oo uu ku jebiyay.
Sarkaalka ayaa la sheegay inuu hore uga badbaaday isku dayo dil oo ay Kooxda Al-shabaab u qorshaysay.
Hase ahaatee galabta gelinkii dambe ayaa dablay hubaysan jidgooyo ugu galeen meel 20KM u jirta Magaalada Boosaaso.
Dhacdadan ayaa hadii ay dhabowdo inay Al-shabaab fulisay libin siinaysa kuwa ka dagaalama Deegaamada Puntland ee kooxda ku xidhan, kuwaasoo ay saddex maalmood ka hor uun dawladda Maraykanku lacag ku baafisay hogaamiyahooda.
Sheegashada Qarax lala Beegsaday AMISOM
Dhinca kale, Afayeenka Al-shabba Sheikh Cali Dheere ayaa sheegay inay 12 Askari oo isugu jira Afrikan iyo Maraykan ku dileen weerar loo adeegsaday Gaadhi laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo gelinkii dambe ee Maanta lagu qaaday Xero ku taala deegaanka Carbiska ee Duleedka Muqdisho.
Cali Dheere ayaa sheegay in weerarka Carbiska ay ku dileen 5 sarkaal Mareykan ah iyo 7 saraakiil Afrikaan ah kuwaasi oo doonayay in ay abaabulaan weeraro lagu qaado magaalooyinka lagu maamulo shareecada Islaamka, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Laakiinse Afhayeen u hadlay Xoogaga AMISOM oo isna warbaahinta la hadlay wax yar ka dib markii weerarku dhacay, ayaa sheegay inaan wax khasaare ah ciidankooda ka soo gaarin weerarka .
Col. Xumad ayaa tilmaamay in ruuxa isa soo miidaamiyay uu doonayay inuu isku qarxiyay kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM laakiin taasi u suurta gali weysay,sida Afhayeenka AMISOM uu sheegay.
“Ruuxa isku soo xiray walxaha qarxa ujeedkiisu wuxuu ahaa inuu waxyeeleeyo Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada,laakiin ka hor inta uusan isqarxin ayaa waxaa toogtay ciidamada AMISOM,ka dibna waxaa qarxay gaarigii miineysnaa,mana jirto cid wax ku noqotay Ciidamada Dowlada iyo AMISOM intaba,” ayuu yiri Col.Cali Aadan Xumad.
Wuxuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka AMISOM in Kolonyada safarkoodii sii wateen iyagoo ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose.
“Aniga waxaan ku xaqiijinayaa inaysan jirin haba yaraatee wax qasaaro ah oo AMISOM soo gaaray,wey jiri karaan warar been abuur ah iyagu ay baahinayaan,laakiin xagayaga wax dhibaato ah ma jirto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Aadan Xumad.
Gobanimonews
Boosaaso Office
Email: editor@gobanimonews.com