Waa weerar kale oo ka mid ah weeraradii kala gadisnaa ee aan waayadanba ku haynay geedka aadka u foosha xun ee looyaqaano qaadka kaasi oon dadwayneheena ama bulshadeena uga digaynay inay cunaan oo aanay baran oo ka dheeraadaan ku bartayna iska daayaan oo dantooda ka raacaan una tudhaan caafimaadkooda iyo maalkooda wakhtigana aanay ku ciyaarin waayo intaba ilahay subxaanahu watacaalaaye waa ina waydiin doonaa maalinka dhibka daran ee qiyaamaha ama maalinta uu ilahay adoomihiisa xisaabinaayo.
geedkani waa mid culimada islaamku isku raaceen inuu xaaraan yahay oo aan shaki kujirin cunistiisa iyo ka ganacsigiisa intaba dhaqaalahaad doonto hayso mar hadii uu kaa soo galay qaad xajka kama tagi kartid taasina waa khasaare kale.
dhanka markhaatiga marka laga hadlaayo ninka qaadka daaqa ama cuna ama quuta markhaati magali karo waayo waa nin aan miyir ahaan fayoobayn oo waalan mar haduu waalan yahayna waxaa uu ka baxayaa shuruudihii markhaati lagu noqonaayey tasina waa laba khasaar kale.
dhinaca maamulka iyo hogaanka iyana lama dooran karo nin qaadka cuna waayo waa waalan yahay nin waalna dad ma maamulo umana taliyo isla markaana gar ma qaadi karo waayo maan fayaqaba mahayo waa is waalay iyana waa saddex khasaar.
dhanka maalka haduu ninka qaadka cunaa uu maal leeyahay waa loo maamulayaa waayo waa nin waalan ninka waalan ama caruurtana maalkooda waa loo hayaa inta ka yarina uu ka qaan gaadhaayo kan waalana uu ilahay miyirkiisa u soo celinaayo.
Hadaba iyada oo waxaas aan sare ku sheegay oo dhami ay jiraan bal hadaba aan yara guda galo maqaalka oo aan ku yara nasano sheeko yar oo gaaban oo ka waramaysa waalida qaadku sababo iyo inaanu nin qaad cunay fayoobayn waana tan ee iga hantiya.
Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa si mug leh u soo mirqaamay nin oday ah oo reer iyo caruurba leh isagoo mirqaansan ayaa waxaa uu soo galay gurigiisii dabeeto garan iyo macawisbuu ku labistay oo waxa uu yara fadhiistay barxada dayrka gurigiisa ilayn waa nin waalan oo mirqaansane waxaa uu isla sheekaystaba waxaa uu mirqaankii tusay inuu bal hubiyo riyo uu lahaa oo ku xeraysan dayrka dhexdiisa isla markaana uu aad u jeclaa waa uu dhaqaaqay oo waxaa uu iska furay albaabkii riyahay waa uu tirshay isagoo tirinaaya oo taataabanaaya ayaa waxaa ku soo booday ceesaan yar oo uu jeclaa dabeeto uu soo qabtay oo waa taatabtay waxaa uu taabtay hunguriga waxay gacantiisu ku dhacday doobta yar ee riyaha ku taala kagana taala cunaha waxaa uu is dhahay ceesaanta waxbaa cunaha kaga taagan ee ka siidaa bal hada ninkan waalan eeg waxaa uu ilawsan yahay in riyuhu doob yar cunaha ku leeyihiin sida raga oo kale hala yaabib waa waalan yahay mana hagaagsana habeenkii oo dhan ayuu waxartii yarayd cunaha duugaayey waanay isla dhib arkeen ceesaantiina waa dhiman gaadhay isna waa daalay goor danbe oo waabari ku dhawaada ayaa waxaa soo baxday xaaskiisii dabeeto waxay aragtay odaygii oo waxartii ku raran oo cunaha duugaaya qaylo ayey bilawday waar maad waalatay waa ceesaanta hadilin iyo wax lamida ayaa islaantii kasoo yeedhay waanay ku guulaysatay inay ceesaantii badbaadiso ninkiina guriga gayso kana dhaahdiciso inay waxani doob tahay balse aanay ahayn wax cunaha kaga taagan.
bal hadaba eeg gobanimo darada iyo gunimada iyo waalida uu qaadku sababo taasi oo ah wax la soo taabtay balse aan ahayn wax mala awaal ah ama samays ah sidaa awgeed waxaan soo jeedinaynaa waar qaadka iska jooja oo ka tashada hadii kale waa la idiin talin markaad maryaha dhigataan eed ku waalataan.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)