Boorama-(GNA)-Shir gogol xaadh u ah shirwaynaha Wadatashiga Ee Gadabuursi socona doona mudo laba cisho ah ayaa maalintii shalay ahayd si rasmiyga uga furmay Hotel Rays Ee magaalada Boorama.
Hordhaca shirwaynahan oo uu ka hadlay Gudoomiyaha Dhaqanka Beelaha Gadabuursi Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal ayaa saxaafada uga warbixiyay Kulankan iyo waxa uu daaran yahay waxa uuna sheegay in uu socon doono mudo laba cisho kaas oo lagu gorfaynayo mudada iyo goobta uu shirwaynaha Beelaha ku aftirsada Gadabuursi meelkasta oo ay joogaan la qaban doono waxa uuna sheegay in warmutiyeed ka soo saari doonaan wixii kasoo baxa shirkaasi
Gobanimo news
Mustafe caraale
Boorama-Somaliland































