Hargaysa(GNA) -Taliyaha saldhiga Dhexe ee Hargeysa Maxamed Case ayaa la galiyey xabsi guri, kadib markii uu dhawaan Maayarka Magaalada Xarshin ee Dalka Itoobiya lagu xidhay saldhiga-dhexe, kadib markii laga soo qabtay Xuduuda Somaliland isagoo Hub ku aasaya lagu soo xidhay saldhiga Dhexe, halkaas oo uu Habeen dhaway ka baxsaday markii uu muddo labaatan cisho ka badnayd baadhista Kiiska lagu soo Eedeeyey uu u xidhnaa.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan Amray xabsi guriga Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargeysa illaa iyo inta la dhamaystirayo baadhista lagu wado qaabka uu Maayarka Xarshin uga baxsaday Gacanta Booliiska.
Dhacdadan Taliyaha Saldhiga Dhexe loo haysto waxa kale oo iyana u xidhan saddex askari oo kale oo ahaa kuwii habeenkaas hayey masuuliyadda saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo loo tirinayo in uu ka baxsaday Maayarka Xarshimeed.
Eedaymaha Booliiska loo jeedinayo iyo dhacdooyinka lala xidhiidhinayo ee ku lug lahaanshaha Danbiyada Dalka ka dhaca ayaa soo kordhaya, waxaana ka mid ah Kiisaska wali taagan ee aanay Booliisku u xidhin Askartooda kii gabadha lagu dillay Hargeysa, isla markaana lagu Aasay oo ay ehelada Marxuumadaasi Booliiska New Hargeysa dusha ka saareen in ay ka qayb qaateen ama ay ka caga jiideen wax ka qabashadeeda.
Kiis kale oo Nin Qurbajoog ah oo la yidhaa Bad-maax uu la xidhiidhiyey in ay qayb ka yihiin Madaxda Sare ee Booliiska, kiiskaas oo ah Dhul beer ah kaasoo khilaaf xoogan ka dhex abuuray wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Garsoorka, ilaa hadana cabashadiisu hor taalo guddida Cadaaladda.
Si kasta ha ahaatee, Eedaymaha lala xidhiidhinayo Booliiska ayaa u muuqda in ay Booliiska Somaliland ka dhigayaan mid shabaha kuwa Jabuuti iyo kuwa Kiiniya oo ay dadweynahoodu naanayso ula baxeen Hab-dhaqankooda xirafadeed.
