Monday, March 24, 2014

Roobka Guga oo ka curtay Somaliland


roobdayHargeysa(GNA)-Deegaamo badan oo ka mida Galbeedka iyo dhinaca Ooggada ilaa Jiidda xuduudka ka baxsan ayaa laga soo sheegayaa inuu maalmihii ugu dambeeyay ka curtay Raxmaadka Roobka ee Gugu, xili lagu jiro maalmihii ugu kululaa Bisha March.




Dhibicdii ugu horeysay ee Roobka ayaa Maanta sidoo kale ku hoortay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii abaaro labadii uu roob tumay ahi ku tiixay qaybo ka mida Magaaladda.




Hase ahaatee roob dhibicdiisu waaweynta oo Onkod badan ayaa goordhaweyd dib uga hooray Magaaladda, kaasoo ah mid aan wax dabeyla lahayn.




Wariye ka tirsan Gobanimonews ayaa arkayay dad badan Dhibicdii ugu horaysay ee Roobka isu dhigaya, kuwaasoo joogay agagaarka Isgoyska Togdheer ee badhtamaha Magaalada.




Roobka ayaa ka soo curtay dhinaca Waqooyi , kaasoo biyo dhigay Magaalada.




Dhinaca kale, Deegaamadda Gobolka Gabiley ayaa lagu soo waramayaa inuu saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Roobku ka dayay.




Dad ku sugan Magaaladda xuduudka ku taala ee Wajaale ayaa Gobanimonews u sheegay in si fiican loogu qabowsaday curashada roobka xiliga Kaliisha oo ah wakhti aad u kulul.




Cimillada ayaa ahayd maalmihii la soo dhaafay mid aad u kulul.




Culimada Sayniska ayaa aaminsan in 21 March ay tahay Maalinta ugu kulul sanadka, taasoo cadceedu ay taagantahay Dhulbadhaha.




Wariyaha Gobanimonews ee Magaaladda Burco ayaa isaguna ku soo waramaya in Cirku daruuro leeyahay oo ay saan saan roob ka muuqato.




Axmed Sakaaro ayaa intaasi ku daraya inaan wali deegaamada xoolo daaqeenka ah ee Hawdka wali wax roob ah laga soo sheegin.




Gugiga ayaa curanaya xili ay wali dadka iyo duuniyadu sii munaafacaadsanayaan Roobabkii ka dhashay Duufaantii Xeebaha  ee dabayaaqadii sanadkii 2013-ka, markaasoo uu da’ay roob Mahiigaan ah oo dhawr maalmood si xidhiidh ah u maasheeyay dhulka Xeebaha ah iyo Berrigiba.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com