Hargeysa(GNA)-Warar hordhac oo Gobanimonews heshay ayaa sheegaya in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed Xaglo-toosiye isku dayay inuu dalka ka baxo, ka dib markii uu ka cadhooday qadarin la’aan dhinaca Deegaankiisa ah.
Xaglo toosiye ayaa sidoo kale la sheegay inuu soo kala dhex galay xubno ka mida Golaha Wasiirrada ee xukuumada, gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada iyo wasiir u dawlaha arrimaha Bariga.
Dhinaca kale, waxa la sheegay inay xumaatay wada shaqayntii ka dhaxaysay Wasaaraddisa iyo Hay’adda WHO, taasoo qayb ka ah waxyaabaha khilaafka xukuumada kala dhaxaysa dhaliyay.
Wasiirka ayaa la sheegay in Maanta Burco ay ku gaadheen Wasiiro xukuumadda ka mida, kuwaasoo dib u soo ladqabeeyay, isla markaana soo maslaxay.
Wasiirrada Duulista Hawadda iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka mida xubnaha wasiirrada ah ee Wasiirka dib u soo maslaxay.
“wuxuu ka xanaaqay arrintii Odayaasha dhawaan ka yimi Boocame iyo Widh-widh, laakiinse muddooyinkan dambeba xaaladiisa shaqo may wanaagsanayn”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Masuul ka tirsan Dawladda oo magaciisa qariyay.
Wasiir Saleban Ciise Axmed ayaa Shirarkii ugu dambeeyay ee Khamiista ee Golaha Wasiirrada aan ka qayb gelin, taasoo loo aanayno Khilaafka jiray.
Wuxuu ahaa Hogaamiyihii Maamulka SSC, ka hor intii aanu dhinaca Somaliland u soo wareegin, markii Kooxda Khaatumo ku inqilaabtay Shirkii Taleex ka dhacay sanadkii 2012-ka
Socdaalkiisa maanta ayaa la sheegay inuu ku aadanaa Buuhoodle oo uu ka soo jeeddo.
Intii uu somaliland joogay wuxuu noqday Wasiirka Dib u dejinta iyo Wasaaradda Caafimaadka oo uu hada haystay.
Dadka ku dhadhow ayaa ku tilmaama inaanu ahayn Nin xaga maamulka ku wanaagsan oo Keligii Taliye ah, taasoo loo aanaynayo dhawr Khilaaf oo soo kala dhex galay Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddiisu ka mid tahay.
Kala soco wixii war ah ee arrintan ka soo kordhay…