Thursday, March 6, 2014

Ganacsade Maraykan ah oo 17 sanadood oo xadhig ah lagu xukumay


Ganacsade USASACRAMENTO(GNA)-Steven K. Zinnel oo ah Ganacsade  50 jir ayaa lagu xukumay 17 sanadood oo xadhig ah Gobolka  Gold Magaalada SACRAMENTO  ee Gobolka California ee  dalka Maraykanka.




Ganacsadahan ayaa jabiyay Xeerarka Ganacsiga u degsan ee dalkaasi, waxaanu ka qayb qaatay khal-khal gelin Dhaqaala ah oo saameyn ku yeelatay Baananka Gobolka.




Zinel ayaa lagu eedeeyay inuu qariyay hanti fara badan oo uu leeyahay si uu uga baxsado qaadhaanka Taageerada Caruurta.




Xukunka maantu wuxuu fariin u dirayaa kuwa caadeystay habka curyaaminta Dhaqaalaha dawladda si ay uga baxsadaan weaajibaadka Masuuliyadeed ee saaran ee dawladda iyo Saamiyadda”sidaasi waxa yidhi José M. Martínez oo ka mida Waaxda dambi-baadhista.




Waxaanu intaasi ku daray “kani wuxuu ahaa Dambi khatar ah oo muddo soo taxnaa, kaa oo uu galay Nin ujeedo badan ku bedeshay.




Mr. Zinnel dambigiisu wuxuu ahaa mid dhamaystiran, waanu u qalmaa talaabada wax lagaga qabanayo”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Ninkan ayaa magacyo kala duwan ku diwaan gashaday Shirkaddo kala duwan, isagoo markii Maxkamadda la hor keenay dafiray inuu leeyahay Hanti faro badan oo uu isagu maal-geliyay.




Dambi baadheyaasha kiiska oogayay ayaa soo bandhigay caddeymaha dambiga loo haysto Ninkan, waxaanay sheegeen inuu muddo dheer arrimahan faraha ku jiray.




Ganacsadahan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo Nusmilyan Dollar oo Ganaax iyo inuu khasaariyo dhismeyaal waaweyn oo uu leeyahay oo ah Guryaha gaarka loo kiraysto iyo Bangalooyin cusub, kuwaasoo lagu qiimeeyay ilaa laba Milyan oo Dollar.