Sida aynu lawada socono dadka intooda badan noloshoodu ama habnoleedkoodu waxaa uu isla badalaa hadba heerka ay taagantahay noloshiisu dhaqaale ahaan waayo waxaad arkaysaa oo aad taaban kartaa in taasi jirto waana mid marag muujin laxaad badan loo hayo oo aan laga murmi karahayn tusaale ahaan waxaad arkaysaa wiil ama nin meel ama mansab loo dhiibay oo si qayra caadi ah isku badalaaya kana tagaaya noloshiisii hore bilaabayana mid cusub oo heerkeedu ka sareeyo tiisii hore waxaa hadaba is badalkaasi ay saamaynaysa dhinacyo badan oo noloshiisa ka mida iyadoo saamayntu sii kale badan tahay kalana muqaal badan tahay ayaa meelaha ugu badan ee ay qofka ka saamayso waxaa kamid ah dhinaca jidhka oo waxaa ku dhacaaya buurnaan badan iyo isbadal farabadan oo uu keenay isbadalka dhinaca dhaqaalaha ah ee uu helay waxaa dhacaysa in cuntada uu ku noolaanaayo inta uu qofkaasi xilka hayo ay aad uga duwan tahay ugana nafaqo badan tahay tii uu cuni jiray ama uu isticmaali jiray intii aanu xilka qaban ee uu bulshada iskaga dhexnoolaa.
waxaad arkaysaa wiilkii ama ninkii oo kici kari waayey oo butuc noqday isla markaana dharkii ka yaryaraaday oo hiin faadhaaya mudo ayaa sidaa lagu wadayaa ilaa inta xilka lahayo ee dhakhligu badan yahay bilaa xisaabtan uu yahay.
dhinaca kale waxaa isbadalkaasi saameeyaa dhinaca gaadiidka oo hadii uu marka hore lugayn jiray waxaa hada lagu soconayaa waa baabuur aad u qaaliya oo uu si fudud meesha uu doono ugu tagi karo islaanta iyo ciyaalkana waxaa loo gadayaa mid ay gaar u yeeshaan.
dhinaca guriga waxaa ku dhacaaya isbadal laxaad badan oo waxaa gude iyo dibadaba laga dhigahayaa muraayad ama quraarad dhulkana waxaa lagu goglayaa marmar qaaliya.
dadkii uu horay ula noolaa waa badalayaa waxaa lala saaxiibayaa dadkale oo ay dhaqaale ahaan iyo mansab ahaan is ceshan karaan waxaa kale oo uu yeelanayaa nacamlayaal kadab qufaca oo xaajiga ka baydhada qaabilsan hadii cidi wax ka sheegtana dagaal ka xiga.
waxaa laga fogaanayaa maraafishtii qayilka ama cawaynta ee waagii hore oo hada waxaba la kiraysanayaa guri isaga u gaara oo uu dhaqaale ahaan isagu qabo iyo waliba kaaga darane qaadka iyo sharaabka lagu hoos cunaayo hadalkiisana waxaa loo dhagaystaa si layaableh waxaad moodaa inuu quraan akhriyaayo markuu munaafaqada qaybinaayo sifooyinka uu leeyahay ee loo yaqaanaana waa deeqsi,nin rageed, geesi, lagama daba hadlaan, garyaqaan iyo wixii lamid ah.
waxaa uu sitaa magacyada manaasibta kala duwan sida gudooye,wasiir,agaasime,garsoore iyo waxlamid ah oo wada nacnac iyo wax kaga doonis ah isna waa ku raaxaystaa oo waa jecel yahay in kuwaasi iyo kuwa kale oo badan loogu yeedho.
wakhtigu maalina waa adiga maalina waa qayrkaa ayaa layidhiye waxaa dhacaysa in maalin maalmaha ka mid ah si fudu ayaar xilka looga xayuubsho ama looga qaado isagoon filahayn isla maalintaasi xilka laga tiriyo ama hoos loo cesho waxaa dhamaan iswada badalaysa habnololeedkiisa oo dhan oo waxaa lagu noqonayaa tii dhabta ahayd ee uu ku noolaan jiray oo ahayd mid dhexdhexaad ahayd ama mid liidataba waxaa isku soo fakanaaya isaga iyo wakhtiga waxaa lagaga dhaqaajinayaa cidla waxaa ka wareegaaya nacamlayaashii isaga u xidhxidhnaa ilayn meesha lacag hada laguma hayee waxaa kale oo uu si fudud u waayayaa magacyadii faraha badnaa iyo sifooyinkii u gaarka ahaa ee lagu godlin jiray waxaa lagu soo dalacayaa daymo fara badan oo lagu lahaa waxaa si wayn isku dhimaysa saladii qoyskiisa oo haatan waxaa lala tagayaa suuqyada dadka caadiga ahi ka adeegtaan, waxaa shidaal loo waayayaa gawaadhidii faraha badnayd ee uu qoysku lahaa.
guud ahaan waxaa iswada badalaaya dhaqaalihiisii iyo noloshiisii intaba .
waxay dib isku waa jahayaan duruufo ad adag oo uga baahan xalkeeda iyo maaraynteeda intaba ninkii butuca ahaa ee sararaha ka naaxay waxaad haatan moodaa tif calaashaan dhuubnida waxaa ka wada waawaynaanaaya dharkii horay uga yaryaraaday hada waxaa loo baahanayaa in dawaarlaha lageeyo oo lasoo wada yaryareeyo si ay u leegaadaan.
hadaba waxaan maqaalkan uga dan leeyahay anigoon qof gaara ama masuul gaara ku weerarahayn ama cid gaara u jeedin ayaa waxaan ku iftiishay kali ah waaqica jira ee ah in dadku intaba badan ay isla badbadalan hadba sida uu yahay heerkooda dhaqaale ee ay israaf fara badan sameeyaan.
sidaana waxaa ka wacan oo ka wanaagsan inaad dadkaaga ku dhexjirto oo aanad ka bixin laba jeerna aad isku mid ahaato waa marka koowaade markaad dhaqaalaha iyo mansabka hayso iyo marka labaad oo ah markaad iska dhaqaale hoosayso hadii aad sidaa yeeli wayso oo ay aduunyadu kaa xoogbadato waxaa dhacaysa in markaad mansab hayso ee aad dhaqaale heshana dharka laguu waawayneeyo oo uu kaagii hore kaa wada yaraado markaad mansabka waydana dharku sidaa ka soo horjeedkeed kaa waa waawaynaado oo dib laguugu soo wada leegaysiiyo oo dharka ii yareedu badato.
astaamaha noocan ahina ama hab dhaqanka noocan ahina waxaa lagu yaqaana dadka musuqmaasuqa caanka ku ah.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)