Sunday, March 2, 2014

Seddexleey Uu Saxiixay Schurrle Oo Chelsea Ka Caawisay Inay Garaacaan Deriskooda Fulham Siina Xajistaan Hogaanka Horyaalka.


302630_heroaChelsea ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay 3-1 ugu awoodsheegteen kooxda ay deriska yihiin ee Fulham kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Craven Cottage, iyadoo Andre Schurrle uu dhaliyay seddexda goolba balse uu Hazard wacdarro dhigay




 




Tababare Mourinho ayaa kulankaan ku soo bilaabay Ramires, Schurrle iyo Fernando Torres, iyadoo Lampard uu kursiga keydka ku bilowday.




 




Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay kooxda martida loo ahaa ee Fulham daqiiqadii seddexaad iyadoo jawaab celin degdeg ah ay sameeyeen ka dib ay keentay in Kasami uu karoos fiican ka soo dhigo dhanka bidix laakiin Dempsey oo aysan jirin cid xiraneysay ayaa madaxa banaanka ku mariyay kubada halkii uu ka dhalin lahaa.




 




Chelsea ayaa iyadana fursad fiican laga badbaadiyay dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta markii Fernando Torres uu ku qasbay goolhaye Stekelenburg inuu si fantastik ah kubada u badbaadiyo.




 




Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, laakiin qeybtii labaad markii ay socotay todoba daqiiqo ayaa Chelsea ay u suurogashay inay helaan gool ay hogaanka ciyaarta ku qabteen.




 




Foori gacan uu soo tuuray Ivanovic ayaa waxaa helay Schurlle oo kubada u dhiibay Hazard islamarkaana orod fiican ku galay qeybta garoonka ee Fulham, Hazard ayaana kubada u sii dhigay Schurrle kaasoo kubada madax kaga wareejistay Burn ka hor inta uusan si nadiif u dhameystirin.




 




Daqiiqadii 58aad ayaa Chelsea waxaa soo martay fursad kale oo gool loo fishay laakiin waxaa ka qasaariyay Fernando Torres kaasoo karoos qatar ah ka helay Hazard oo weliba si farsamo leh ku soo dhigay laakiin xiddiga reer Spain oo goolka agtiisa joogay ayaa kubadii madaxa aheyd la waayay shabaqa.




 




Chelsea ayaana sii dheereysatay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 65aad markii mar kale uu Hazard kubad si qatar ah ugu dhex bixiyay Andre Schurrle kaasoo isna aan ka daahin inuu dhameystiro, waana goolkiisii labaad ee ciyaarta.




 




Schurrle ayaana daqiiqado ka dib dhameystirtay seddexleydiisa ka dib markii uu kubad dhex bixis ah ka helay Fernando Torres, waana goolkiisii lixaad ee uu u dhaliyo Chelsea xilli ciyaareedkan.




 




Fulham ayaana gool soo ceshatay daqiiqadii 74aad ee ciyaarta iyadoo uu u saxiixay Johnny Heitinga, taasoo ciyaarta ka dhigtay inay ku soo dhamaato 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Chelsea.




 




Guusha ay gaartay Chelsea ayaana ka dhigan inay sii xajisatay hogaanka horyaalka iyagoo leh 63 dhibcood, waxaana ay afar dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Arsenal kuwaasoo guuldarro ay ka soo gaartay Stoke City.