Washington(GNA)-Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa sheegay in dib u dhis iyo balaadhin lagu samaynayo Hanaanka Tiknoolajiyadda casriga ah ee Maraykanka si fursado shaqo iyo dhaqaale uu dalku uga helo.
Muuqaal lagu baahiyay boga aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in hanaanka cusub ee casriyeynta Tiknoolajiyadu saacidi doono shaqo abuuris balaadhan, iyadoo qorshaha siyaasadda xiligan arrintan lagu daray.
Maraykanka ayaa ah waddamada aadka ugu horumaray dhinac Tiknoolajiyadda, waxaanu madaxweyne Obama xusay in talaabooyinka lagu dhisayo isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda loo gudbin doono dalab lagu meel marinayo Aqalka sare Congresska, si tani u noqoto talaabo laga midho dhaliyo.
“waxaa muhiim ah inaan dhamaanteen ogaano in Tiknoojiyada oo la casriyeeyaa wax badan ka tari doonto Shaqo yaraanta iyo dhaqaale xumadda. Waxaanu qaadaynaa talaabooyin lagu horumarinayo Tinknooliyada iyo dhismeyaasha”ayuu yidhi Madaxweyne Obama.
Sida uu sheegay Madaxweynuhu waxa maal gelin balaadhan lagu samaynayaa Xarumaha Tiknoolajiyadda Maraykanka, iyadoo horumarin balaadhan lagu samayn doono.
Halkan ka Daawo khubadda Madaxweynaha:
https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=hEQJSvmyfys