Monday, March 3, 2014

Qormo Caafimaad: Qanjidhka Shahwadda iyo Kansarka?


Qanjidh-ka manidu waa qanjidh ragga ku jira ee sameeya dareeraha isu keena qayb ka mid ah manida. Cabbirkiisu waa ilaa 2 sentimitir wuxuuna ku yaalaa Sinaha ama inta u dhaxaysa Duburta iyo Xiniinyaha. Qanjidh-kani waxa uu isticmaalaa hormoonka ragga ee loo yaqaanno testesterone si uu si caadi ah ugu shaqeeyoCancer




Qanjidh-ka Manida ama Shahwadu ( ‘prostate’) . waxa uu ku hareeraysan yahay tuunbada (la yirdhaahdo ‘urethra’) ee kaadi-haysta raga hadaba waxaynu mawduucan ku tilmaami doona cancerka ku dhaca qanjidhka prostate ka.




waa maxay  Prostate cancer?




Kansarka qanjidhka ‘(prostate’) waa kansarka ugu badan ee ragga da' ahaan weyn  ku dhaca , qanjidhka prostateka marka uu haleelo  xanuunka cancer  ku  wuu  bararaa  kadibna wuxu sababaa mushkilado saameeya kaadida iyo shahwada ragga.




Taas  awgeed dhibaatooyinka  qanjidhka ‘prostate’ ku saameeya waxay mararka qaar saamayn karaan kaadidada waxaana suurogal ah in uu bedelo  dareenka hammo ee ninka  raga ah.




kansarku wuxu kasoo bilaabmaa dhinaca hoose ee qanjidhka prostateka  , unugyada sababa kansarka ayaa tiro ahaan  kordhaya kuwaaso ugu dambayntii noqda  tumor (hilib kasoo baxayaa prostateka).




Tumarkaasi  ama hilibkaasi wuxu gaadhaa oo saameyn ku yeeshaa ( rectum) saxaro haysta, iyo qanjidhada kale ee ku yaala macdanta, kansarku hadii uu marxalad  khatara marayo waxa suura gala inuu u gudbo lafaha jidhka oo noqdo metastasis .(mid ku fafa jidhka intisa kale)




Waxyaabaha sababi kara inuu dhaco kansarkan prostate ku




Da'da qofka waa qodob  muhiim u ah  dhicitaanka xanuunkan cancerka ee ku dhaca qanjidhka shahwada  Canser-kani, waxa caadiyan uu ku dhacaa Ragga Da’doodu ka weyn tahay 50 sano, gaar ahaan da’da 70 ilaa 74 jir .




inahan dambe  se ayaa waxa la ogaaday in Ragga Somalida ee Qaad-ka Cuna uu faro-baas ku hayo Canser-ka ku dhaca Qanjidh-ka Manida ama Shahwada. (Prostate gland) laakiin Ragga Qaad-ka cuna ee  baadhitaanka ka lagu  sameeyey, siiba Somalida waxa uu ku  bilaabmaa Canser-kani markay  da’doodu tahay 45 sano




Waxa xanuunkani halis ugu jira raga ay qoysaskoodu taariikh ahaan hiddo (genetic) u leeyihiin kansarka ku dhaca qanjidh ka shahwada ee raga iyo kuwa  loo yaqaan African American ama raga madaw ee maraykanka  iyo kuwa madow ee  Caribbean ah. Kansarkani waa mid ku badan waddamada  reer galbeedka  woqooyiga America ,Australia iyo Caribbean ka   kaasi oo uu sababo gene ka loo yaqaan (BRACA1 &BRACA2 ),oo sidoo kale sababa kansarka ku dhaca nasaha iyo ugxan sidaha dumarka.(ovary)




Burnaanta iyo sigar cabida waxay kordhiyaan khatarta lagu qaadi karo kansarka prostateka, waxa iyana khatarta kansarka kordhisa jarida tuumbada qanjidhka prostateka ,daraasado  dambe oo  soo baxay waxay sheegayaan inay vitamiinada iyo macdanta badani ay sidoo kale kordhiso khatarta kansarka prostateka.




Caalamadaha




 Kansarkan ku dhaca  qanjidhka prostastku  marka hore  lama dareemo calaamadihiisa oo waa mid bilaa astaan ah .




Waxana suuro gala in aanu keenin calaamado la garan karo  ama aanu soo afjarin nolosha qofka inta hore  . kansarku marku uu meel  khatara soo gaadho caalmadaha lagu garto waxa kamida :-




mushkilado uu qofku kala kulmayo kaadida iyo kaaadida oo sidii hore ka badata ,




xanuun badan oo qofku dareemayo marku kaajayo khaasatan habeenkii ,




kaadida oo aan la kaantrooli Karin ama ku dhegtaba




kalyaha oo fadhiista ama shaqada joojiya




misaanka oo hoos u dhaca




Dhiig soo raaca kaadida ama manida




xanuun saameynaya bogga, dhabarka iyo miskaha




sidoo kale barar ka uu keeno qanjidhkan prostate ka marka uu cancer ku haleelo wuxuu dhibaato u geystaa rectum (saxaro hayaha)




dhiig yaraan




lafo jajab Ka Hortaga Canser-ka Qanjidh-ka Manida




La-xidhiidh Dhakhtarkaaga oo samee Baadhitaan sanad-kiiba hal mar.




Baadhidda dhiigga ee PSA (Prostate-specific antigen) Heerka PSA ee dhiigga ku jira wuu ku badan yahay ragga qaba kansarka qanjidhka




Ragga Cadaan-ka ah waxa la baadhayaa wixii 50 sano ka weyn. Ragga Madow ee ka soo jeeda Afrika waxa la baadhayaa wixii 40 sano ka weyn. Ragga Qaad-ka cuna waxa la baadhayaa wixii 35 sano ka weyn.




hadaba fariinta caafimaad ee mawduucani gudbinayaa waxay tahay haddii aad isku aragto tilmaamaha ama astamaha xanuun kani leeyahay ee sarre ku xusan fadlan la xidhiidh dhakhaatiirta caafimaadka




diyaarintii Dr’s:  Fatima Mohamed ismaa’il (keyse)




 Jordan