Monday, March 3, 2014

Kooxda Xil Iyo Xoolo Doon,By: C/lahi O. Ali


Nin Baydhsadayow Dan Guud, Waxaa Jira Baadi-doon,




Af booli Wixii Ku Maqan, Col Soo Bedayaa Ogsoon,




xooloWasiirada iyo agaasimayaasha Xukuumadda Siilaanyo waxay u badan yihiin kuwo fakhri iyo faro madhanaan ku jiray ka hor maamulkan sida badheedhka ah u boobaya hantida shacbiga.




Waxa arrin ugub ah in dalkan faqiirka ah ee ay dadka badankiisu nolol hoose ku jiraan in Wasiirada, iyo agaasimyaasha guudna ay ku jiraan nolol aan qiyaasi Karin.




1-         Mid kasta wuxu leeyaha 8 gaadhi iyo in ka badan. (inantiis, inankiis,a xaaskiisa ilaa xata waxay gaadheen heer jaariyadaha ay gaadhi ay ku soo adeegtaa loo sameeyo). Ma jiro musuq ka ballaadhan kan maanta dalka  ka dhacya, horna uma soo marin, dibna insha Allahu soo mari maayo.  Waa maxay musuqa maqani marka nolosha masuulka iyo kan shaqaalaha ahi ay kala taagan yihiin midna dakhligiisu uu ka hooseeyo dalinta fakhriga caalmiga ah iyo mid uu kor u dhaafayo heerka u sareeya.




Wasiir iyo agaasima kasta wuxu doonyaa inuu guryo iyo jagooyin iibsadaan, iyagoo boobaya hantida ummadda. Waxay si fudud u helayaan shidaalka oo ay qoran karaan inta ay rabaan.




Musuqii ugu balaadhana wuxu ku jiraa dhismayasha beenta ah ee lagu lusanyo hantida ummadda iyo wadooyinka uu Xirsi iska yeeshay.




Khiyaamada iyo boobka aad wadaan ummada Somaliland waxay u gelaysaa taariikhda. Shaqada ugu weyn ee ay hayaan waa inay urursadaan xoolaha ummada, laakiin marka ay caruurtooda ku korinayaan boobkaasi ay ka baahan yihiin caruurtii Somaliland ee ka badnayd halkee ayay ka filayaan guul?




Waxyna noqon doontaa mid la idinkula xisaabtamo marka doorshada soo socota la idinka helo…Waxaa jira tirokoob laga sameeyay wasiirada badankood siday noloshoodu ahayd ka hore maamulkan, taasina wax badan soo faqday. Kuwa debedha ka yimi ayaa u badan ku fashil ku ahaa goobihii ay ka yimaadeen. Hadday u qaateen in aan cidina taariikhda qorin qoraalada buugan ayaa ku warheli doonaan.




Si kasta oo la isugu dayo in loo boobo hantida ummadda maaha wax qarsoomya, waana sidan abawaank yidhi:




Nin baydhsadayow dan guud, Waxaa jira baadi-doon,




Af booli wixii ku maqan, Col soo bedayaa ogsoon,




 




Qore: C/laahi Osman Ali




Email:Osman166@gmail.com




Hargeysa/Somaliland