Garoowe(GNA)-Ololaha Talaalka Carruurta iyo Hooyada ayaa ka bilaamay Deegaamada Puntland Maanta oo Sabti ah.
In ka badan todoba iyo labaatan kun oo Carruur iyo Hooyooyin isugu jira ayaa ka faa’idaysanaya Ololaha oo socon doona muddo todoba maalmooda.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Camay ayaa ka qayb-galay xaflad balaadhan oo lagu furay Ololahaasi.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xassan ayaa sheegay in Hooyada iyo dhalaanka laga Talaali doono 9-cudur oo dilaa ah.
Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in arrintan ay fulin doonan Shaqaale ka badan 4000,kuwaasi oo ka hawl gali doona dhamaan Gobolada Puntland.
‘’Isbuuca Caafimaadka Puntland,waa Barnaamij soo socday 5-sano ee la so dhaafay,270,000 Hooyo iyo Carruur adeeg Caafimaad,waxay isugu jiraan 9-talaal’’Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenow oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in 1000-kii Carruura ay sanad walba ka dhintaan 200,arrintaas oo uu xusay inay horseeday Wacyiga umada oo hooseeya,wallow ay Qadarta EEBE meesha ku jirto ayuu yiri.
Madaxweyne ku xigeenka puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar ‘’Cmay’’ oo ka hadlay Munaasabada ayaa dadweynaha ku booriyay inay talaalan Carruurta,si ay uga badbaadan Cudurada dilaaga ah.
‘’Waxaan aad ugu faraxsanahay Wasaaradu sida ay ugu hawlan tahay inay arrintan hormariso,Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirlka Caafimaadka iyo Shaqaalihiisa,waxaan kale oo mahadcelinaaya Hay’adaha WHO iyo Unicef’’Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Saraakiil ka socda Hay’addaha UNICEF iyo WHO ayaa iyaguna munaasibadaasi ka sheegay in Talaalku muhiimad weyn u leeyahay dadka loogu talo galay.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com