Garoowe(GNA)-Jaamacadda caalamiga ah ee Admas University College ayaa xarun Waxbarasho ka furatay magalada Garowe xarunta Puntland.
Jaamacadaan oo fadhigeeda ugu wayn uu yahay magalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa xarunta ay Garowe ka furtay lagu baran doonaa duruus Jaamacadeed oo kala duwan, kana mid yihiin: Faculty of Business
1-Accounting
2-Economics.
3-Management.
4-Marketing Managemnet.
Faculty of Informatics.
1-Computer Science.
2-Information Technology.
3-Office Adminiistration and Technology Systems.
Faculty Of Social Sciences
1-Developmental Studies
2-Sociology.
3-Educational Planning and Management.
Gudoomiyaha Jaamacadda Admas Axmed Shiikh Cabdiraxmaan oo warbaahinta kula hadlay mgalaada Garowe ayaa sheegay inay hadda bilaabeen is-diiwaan galinta ardayda ayna ku eg tahay labaatanka isla bisha 3-aad.
Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay Jamacadda inay xarun ku lee dahay Magalada Hargaysa ee Somaliland ayna aad u jecel yihiin in gobolada kalena la gaarsiiyo.
Waa Jaamacadii ugu horaysay ee laga leeyahay Itoobiya oo xarun ka furata Deegaamada Puntland.
Gobanimonews
Garoowe
Office
Email: editor@gobanimonews.com