Hargeysa, (GNA)- Afhayeenkii Ururkii hadhay ee Xaqsoor Cabdirashiid Jaamac Aadan (Aadan Dhari), ayaa ka digay khatarta ka iman-karta go’aanka ay ku dhawaaqeen Guddida xalisay khilaafkii ka dhex-taagnaa shir-guddoonada iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kaas oo tilmaamay in la aaminikarin Xildhibaanada waqtigan jooga Golahaas. Cabdirashiid Jaamac Aadan (Aadan Dheri), oo shalay magaalada Hargeysa ugu waramayay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in la soo de-dejiyey xilkd qaadista shir-guddoomada Golaha Wakiilada, waxaanu tilmaamay inay taasina galaafan doonto Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha guurtida Somaliland, waxaanu yidhi, “Arrintu sidan immika la sheegaayo waa halis oo arrintu inay 55-kii ahaato weeye, waana wax soo jiray. Baarlamaankii u horeeyay ee SNM la timid, kii ku xigay ee Xaabsade iyo kan immika jooga wuxuba waxay ahaayeen 55-kaas, ciladuna waxay ahayd 55-ka. NiNwalba waa la soo de-dejiyey oo Madhfacaas la soo riday waxa uu galaafan doonaa Guurtida iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Cirro oo kaliya kuma dhacaayo, markaa waa khatar ee waxay ahayd in laga dhigo shan iyo koton waxoodaba.’ Cabdirashiid waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanada waqtigan jooga Golaha Wakiilada la isku halayn-karin, waxaanu ku eedeeyey inay noqdeen dheemaal lacag doonaaya, waxaanu yidhi, “Xildhibaanadan aynu arragnay ee dheemaalka ah ee shalayna watay kan, maalin walba ninka ay doonaan ayay ridayaan. Todoba iyo afartan ayay shalay ku rideen labada ku-xigoon oo ay yidhaahdeen xagaha Cirro ha fadhisteen, haddana waxay yidhaahdeen halkoodii. Qararka guurtidu soo gaadhay maaha kii Xaaji Cabdi Waraabe ee waa mid xukuumadu soo gashay oo ay debadda ka riixaysay.” “Hadalka guurtidu tidhi wax mooshin ah lama keeni-kari, waa wax afka laga yidhi, wax afka laga yidhina malaha jad-wal la raaco. Shan
Wasiir oo ay hoggaaminayaan Wasiir Samaale, Wasiir Xirsi, Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiidi iyo laba Wasiir kale ayaa soo faragaliyey arrinka. Guurtiduna rogay, anagu waxaanu leenahay waa maanta ka dhacay Golaha waa khalad oo uu fashilmay. Haddaynaan dhiban eega mooshinka wiigan ama wiiga dambe Cabdiraxmaan oo laga laad-laadiyey Golaha dhex-diisa.” Dhinaca kale Xildhibaan Ibraahim Jaamac Carraale oo isagana aanu wax ka weydiinay sida uu u arko go’aanka shalay guurtidu ku dhamaysay khilaafka Golaha, waxa uu sheegay inay raaceen wixii ay ku doodayeen, waxaanu yidhi, “Wixii anagu ku doodaynay iyo gartii aanu sheeganaynay ayey guurtidu if-tiimisay oo anagu markii hore Guddoomiye Cirro maanu ridayn. Oday ayey qolo tuuga ahi u timid waxay yidhaahdeen eeg bishii waxay ka dhalatay xagga dambe. Waxa uu ku yidhi bishu hortayda ayay iman waxay soo socotaba. Haddii Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen la ridaayo waxaanu ku ridaynaa wax waadixa oo dastuurku dhigaayo, iyagana waxa laga rabaa inay Golaha la shaqeeyaan. Awood ayaanu u lahayn immikaba anagoo ah 77 Xildhibaan saxeexay mooshinka innaanu Cirro ridno, iyagoo saddex kalena nala joogay oo na raaci lahaa. Haddii Odayaasha lala soo baxo iyaga ayaa muuqan, haddii Golaha siwannaagsan u hoggaamiyaana Goluhu wuu deganaanayaa.” Xildhibaanku waxa kale oo uu hadalkiisa siiraaciyey “ Go’aanka gacanta ayaa loo taagay oo Guddoomiyuhuna isaga ayaa fakiisa kaga dhawaaqay. Intii aan la joogay garabka Xildhibaanada Cirro toban Doollarna ii sheegan mayaan, haddana maalin walba waxay yidhaahdaan Xildhibaanada labada dhinac lacagta ka qaata. Haddii Guddoomiye Cirro lacag na siiyey ha soo cadeeyo.”