Wednesday, March 5, 2014

Amnesty International oo ka digtay Khatarta Hubka Soomaaliya


AmnestyNewyork(GNA)-Hay’adda Xuquuqda Aadamaha  Amnesty International ayaa ku baaqday in cuno-qabateynta Hubka Soomaaliya la adkeeyo.




Bayaan ay soo saartay Hay’addu waxay ku sheegtay in tan iyo markii la xadiiday cuno-qabateynta hubka xasilooni daro ka soo korodhay dalka, taasoo ay ugu wacantahay awoodda kooxaha amni darada wada oo soo kordhaysa.




Guddida daba galka iyo la socodka Hubka Somalia ayaa bishii la soo dhaafay Golaha Amaanka ka codsaday in dib loo eego xayiraad ka qaadista Hubka Somalia, iyagoo dalbaday in sidii hore lagu soo celiyo.




Amnesty ayaa sheegtay in dad rayid ah oo tiro badan dhibaato loogu geystay Somalia dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay, iyadoo warbixinteeda ku iftiimisay in hubka Dawladda gacanteeda ka baxaa u gudbo dhinaca Maleeshiyaadka dagaalada ka wada dalka.




Hase ahaatee Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay baaqa ka soo yeedhay Amnesty International, waxaanu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.




“Ciidamada Somalia waxay la dagaalamayaan cadow, cadowgaasina maaha ku soomaaliya oo qudha ee waa mid Caalamiya, markaa dhiga qoriga in la yidhaahdo dhiga  wax la aqbali maaha, mana yeelayno”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Guddida amaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya shacab oo BBC-da Somalia.




Dawladda Federaalka Somaliya ayaa hore ugu gacan saydhay eedeymaha dhinaca Hubka ee Caalamiga ah oo teer iyo bishii hore soo taxnaa.




Eeddeymaha ayaa ah in Kooxda Al-shabaab ay hub faro badan ka hesho gacmo ku dhow dhaw dawladda sida Askarta oo qaarkood ka iibiyaan  qoryahooda.