Tuesday, March 11, 2014

Maxamed Saleebaan Tubeec oo Geeriyooday


Hooyooy la’aanta, Adduunyadu Hubaashii, Halis kama baxdeenoo…dhegeyso heestiisii Hooyo ee Fanka Soomaalida hooyada u noqotay iyo Taariikh Nololeed kooban..




maxamed salebanBerlin(GNA)-Waxa ku Geeriyooday Cisbitaal ku yaala dalka Jarmalka Alle ha u naxariistee Fanaankii boqorka Codka Somaliyeed Maxamed Suleymaan Tubeec, kaasoo halkaasi u jiifay xaalad Caafimaad muddooyinkii u dambeeyay.




AHN, Maxamed Saleban Tubeec ayaa ahaa Fanaanka haystay Koobka Boqornimada codka Somaaliyeed, waxaanu ka mid ahaa hormuudka Fanlayda Somaliyeed.




Geerida fanaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey qaar ka mid ah abwaanada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed oo si gaar ah ula socday xaalada marxuumka intii uu ku jiray Cisbitaalka.




Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ka mid ahaa Kooxdii hobolada Qaranka ee Waaberi, waxaana heesihiisa ay yihiin kuwo loogu dhegeysiga badan yahay illaa xiligan dalka Somalia.




Reysal-wasaaraha Somalia oo Tacsi u diray.




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray AUN, Maxamed Suleymaan Tubeec oo dad badan oo Soomaaliyeed ka tiiraanyaysanyihiin Geerida ku timi.




“Qof kasya waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq. Allaha u naxariisto Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo kamid ahaa fanaaniinta ay aadka u jecelyihiin dadka Soomaaliyeed isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyada iyo dal jacaylka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo qaraabada iyo sxaabta uu ka geeriyooday fanaanku , meel kasta oo ay joogaan. Waxaana uu ilaahay uga baryay in uu ka waraabiyo Janaddiisa Fardowsa, samir iyo iimaanna uu naga wada siiyo.




AHN ee Maxamed Saleban waxa uu Magaalada Hargeysa ku dhashay sanadkii 1946-kii.




Inkasta oo aanu gadaal idiinka soo gudbin doono Taariikh nololeedkiisa, hadana hadii aynu xusno qaar ka mida heesa uu qaaday intii uu fanka ku jiray waxay isugu jiraan wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.




Fanaankani wuxuu heeso badan la qaaday hobolo dumar oo badan, kuwaasi ooy ka mid yihiin fanaanada Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Hodoon (Hibo Nuura), Maandeeq, Saynab Cige iyo kuwo kale oo badan.




Si kastaba ha ahaatee, heesaha Maxamed Saleebaan Tubeec aad ayay u badan yihiin, kuwase ugu caansan waxaa ka mid ah:




 Heesta Hooyo




Heesta Ha iga Goosan Caawa: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Xaliimo Khaliif Magool.




 




    Heesta Guryosamo: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Maandeeq




 




    Heesta Gobanimodoon: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura




 




    Heesta Dagan




 




    Heesta Amaano




 




    Heesta Adaa I Dhaliiley




 




    Heesta Nasteexo




Heesta Aniguna iyo kuwo kale oo badan.




Halkan ka dhegeyso Heesta Hooyo oo uu leeyahay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, taasoo ka mid ah Heesaha ku jira ma hadhadda Suugaanta Soomaalida.