Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay faro-gelin ku hayso Garsoorka.
“Cid waliba way ogtahay inaan Garsoorkeenu madaxbanaanayn oo ay fulintu faro-gelin ku hayso, laakiinse iminka yaa loo sheegayaa”ayuu sheegay isagoo la hadlaya Warbaahinta Maxaliga ah.
Waxaanu intaasi ku daray “Wasiir ku-xigeenka arrimaha Guduhu isagaaba afkiisa ka cadeeyay inuu is-hortaagay go’aamo ka soo fulay Maxkamaddaha, taasaa noo cadeynaysa”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Afhayeenka Madasha Wada-tashiga ayaa sidoo kale, ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada waddanka ee dhinacyada nabad-gelyada, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo qodobo kale, kuwaasoo uu dhaliilo kala duwan uga soo jeediyay Xukuumadda.
Waxaanu si gaar ah ugu dhaliilay hanaanka loo maamulayo Mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda.
Xasan Guurre Jaamac ayaa sidoo kale ka waramay halka uu ku dambeeyay shirkii Dooda Qaran ee ay Saaxadda Siyaasadda ku soo dhex tuureen isaga iyo Kooxdiisu.
Halkan ka Daawo:
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=nuDpCGZLRqk
Cabdiraxmaan Ibnu Xirsi
Gobanimonews
Hargeysa Office