Friday, March 7, 2014

Dib u Curashada Fanka Soomaalida iyo Xidigaha Geeska.by M. Xaashi


Dedaalka Loogu Jiro Dib U Curasha Fanka Soomaaliyeed Iyo Kooxda Xiddigaha Geeska Oo  Fankii Soomaaliland  Iyo Caalamkaba Aad Uga Dhex Muuqda.




 mahmed jama 2Uma aan qalin qaadan inaan cid amaano ama aan ku gafo taasna dhaqan uma lihi ee waxaan maanta u qalin qortay inaan wax ka idhaahdo yididiilo aan ka arkay fankii soomaaliyeed iyo dedaalka dawlado iyo ururo gaar ahi ugu jiraan ka midho dhalinta kor u qaadka fanka oo dunsanaa muddo badan.




Meelaha ay dib u curashada fanku soomaaliyeed si weyn uga socdaan waxa ugu muddan dalka aynu jaarka nahay ee jamhuuryada jabuuti iyo kililka shanaad ee ismaamulka soomaalida etoobiya, labadaa dawladood oo kharash farabadan, ku bixiyaa sidii ay u soo saari lahaayeen fanaaniin soomaaliyeed oo bedela kuswii hore ee dalalkaa ka jiray taas oo aad ka arki karto ahmiyada ay u hayaan  oo aad u sarayso.




 Waxaanay dedaalkoodaasi ku jihaysan yahay in la helo fanaan ka dhisan dhinacyo badan oo dhaqanku hormood ka yahay, waana tusaale ku dayasho mudan in dawladaha kale ee Somaliland ka mid tahayna looga fadhiyo.




 Hadaba aan idin yara xasuusiyo heerarka uu fanka Somaliland soo maray wakhtiyadii hore iyo halkuu maanta taagan yahay. Sanadii kontonaadkii ayaa magalada Hargaysaa waxa laga asaasay (kooxdii walaala Hargaysa ) kuwaas oo fankii Soomaaliyeed heer sare gaadhsiiyey waana meesha kaliya ee wakhtigaa ku caan baxday.




Kooxdaas walaalaha Hargaysa dawladii ma maalgalin ee iyagaa iskood isku xilqaamay una istaagay inay kor u qaadaan, inkasta oo markii danbe ay dawladu gacan ka siisay iyagoo sugaantoodana ka baahin jiray idaacadi radiyow Hargaysa taaso ahayd idaacada kaliya ee ugu caansan uguna hormarsanayd idaacadaha afka soomaaliga ku hadla.




 Inkastoo ay kooxo badani ka asaasmeen dhulkii la isku odhan jiray jamhuuriyadi Soomaaliya , Waxa iyana aan xusi karaa kooxdii ugu caansanayd gayiga Soomalidu degto oo dhan ee  (waabari) oo magacoodi ilaa maanta shaqeeyo inkasta oo ay dunida ku kala firidhsan yihiin hoboladii iyo abwanaadii kooxdaasi ka tirsanaa hadana faananka ka mid ahaa kooxda ee maanta nooli rag iyo dumar kuu doono ha noqdee inay ku abtirsadaan kooxdaas.




 Hadaba kooxdaas ka dib muddo ku siman sagaashameeyadii ilaa labadii kun fanka Soomaaliyeed waxa u galay fadhato iyadoo inta badan fanaaniita wakhtigan soo baxay




Ay u badnaayeen kuwo dib u tuma heesahii hore, taas oo werwer igu haysay markaan dhagayso hees fanaan caani laahaa oo dib loo tumay iyadoon fasax laga haysan ama aan la weydisan, waana arin aniga aad ii damaqday wakhtigaa, waxaanse taas ku ilaaway horaantii qarnigii labaatanaad in la sameeyo abaabul badan oo la dardar galiyey fankii soomaaliyeed waanan ku mahadinayaa cid kastoo arintaa gacan ka geysatay.




 




Inkasta oo soomaaliland iyana kuwaas la mid ahayd hadana fanku waa socday oo marna hakad ma galin waayo waxa jiray fanaaniin da, yar oo iyagu maray nidaamkii saxda ahaa oo aan waxba fadhataysan iyagoo dedaal shaqsinimo ugu jiray soo shaac baxa fankiisa iyagoon dawlad iyo shaqsi midna gacan ka helay arintaa oo fanaanka ku adkayd inuu fankiisu hormar muuqda sameeyo waana arin dhib teeda leh.




Hadaba waxa aniga si gaara ii soo jiitay dedaalka ay sameeyeen koox xidigaha geesku iyagoon dawlad iyo shacab midna aan ku tiirsanayn iyo waliba sida ay ugu heelan yihin in fankoodu gaadho heer caalami, waana arin soo dhawnteeda leh waayo waxay hayaan jid ay kaga midho dhalin karaan dedaalkooda oo u saamixi kara in hamigoodu dhaboobo noqdaana kuwo lagu soo hirto sida in badan oo ka mid ah fanaaniinta qurba joogta ahi ay wakhtigan u hiranayaan inay ka mid noqdaan kooxda xidigaha geeska.




 Waxa kale oo aan iyana xusayaa oo aan kor ku soo sheegay in dalalka aynu dariska nahay ee jabuuti iyo dawlada ismaamulka soomaalida etoobiya ay adduun farabadan ku bixiyaan in la helo fanaan cod macaan oo bulshada fanka u haraadan qanciya, laakiin soomaliland waxay dawladaaha dheer tahay waa kooxdan xidigaha geeska oo markaad




Dhagaysto heesahooda ama aad maqasho codkooda aad dareemi karto inuu yahay cod mawhibo ah, kaas oo aanay dawlad ama shacab tijaar ama hayad midna maal galin siinin ee sababta uu ku yimid ay tahay, nimaadka, xeerka iyo isku duubnaanta kooxdaas.




 Guntii iyo gabo gabadii qoraalkaygan waxaan kooxdan ku dhiirin galinayaa inay halkaa ka sii wadaan oo aanay ka daalin, waxaan dawlada soomaaliland iyo shacabkana u soo jeedin laahaa inaan gacansiinta arin adduun iyo suugaanba aan lagala bakhaylin.




Wa bilaa tawfiiq




Qalinkii: Mohamed jamac hashi(abwaan boodhari)




Email:boodhari_19@hotmail.com




 Mobile:063-4443571.