Hargeysa(GNA)-Ideecad cusub oo ku hadlaysa afka Soomaaliga ayaa la sheegay inay maalmaha soo socda Hawada soo geli doonto, taasoo fadhigeedu yahay Caasimadda Finland, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Tafaftiraha Iddeecadan oo magaceeda la yidhaahdo Radio Hilaac.
Afhayeenka u hadlay Ideecadda cusub ayaa warsaxaafaddeedkiisa ku sheegay inay 15 bishan oo laba maalmood inaga xigaan ay soo geli doonto hawadda , lagana dhegaysan doono dhamaan Geeska Afrika iyo dhawr qaaraddood oo kale.
Warsaxaafaddeedka ayaa u dhignaa sidan Wargalin :Warsaxaafadeedkan oo ah wargelin lagu wargalinayo bulshada Somaliland.
Maamulka Radio Hilaac waxa uu ku wargalinaya bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay dunida daafaheeda ka joogaan in taariikhdu markay tahay 15.03.2014. uu hawada soo galayo Radio Hilaac saacadu markay Sideeda fiidnimo ilaa Sideeda iyo badhka fiidnimo (8:00PM- 8:30PM) ee Afrikada Bari.
Radio Hilaac waxa aydun hawada ka dhagaysan doontaand 15180 khz mawjada gaaban ee dhererkeedu yahay 19 meter band oo ah mawjada
Shortwave-ka ee loo soo gaabiyo SW,maalinkasta marka laga reebo Jimcaha ama habeenimada sabtidu soo galayso,
Hadii aad ku sugantahay Bariga dhexe ama Geeska Afrika sida wadamada Somaliland Itoobiya Kenya Somalia Jabuuti Uganda iyo Sudan waxaad u maqli doontaa Radio Hilaac si aad u saraysa waa inaad lahaataa Radiyow saamaxaya in aad ka dhagaysan karto mawjada SW-yada. Waxa kale ood naga dhagaysan kartaa marwalba meelkastood joogto barta internetka ee
Ujeedo: Ka dib markii ay isu tageen dadka mida Qurbajoogta Somaliland waxay arkeen in ay tahay laga maarmaan in la helo Radio Dalka wada gaadha si loo kobciyo Saxaafadda Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyadda, Dalkuna u wada socdo
Cadayn: Waxa uu Maamulka Radio Hilaac ku wargalinayaa Shacabka, Dawlada Somaliland, Axsaabta Qaranka, Golaha Guurtida, Golaha Baarlamanka, in idaacadu tahay idaacad dhexdhexaad ah isla markaana u dhaxayn doonta oo ay ka simanyhiin Shacabka Somaliland Asxaabta Qaranka Mucaarid iyo Muxaafidba. Radio hilaac waxa uu ilaalin doona akhlaaqiyaadka Saxaafadda, waxa Radio Hilaac aan laga sii daynayn marnaba warar wax u dhimi kara Karaamada Iyo Sharaf Shakhsi kasta oo Muwaadin ah iyo wixii waxyeelo u gaysan kara qarannimada Somaliland .
Radio Hilaac waxa uu mar walba sii dayn doonaa barnaaijyo sare u qaadaaya aqoonta iyo aragtida Shacabka Somaliland
Radio Hilaac waxa uu ku leeyahay xarumo Qaarada Maraykanka State-ka Minnesota, Washiton DC, Nashville Qaaradda Yurub Magaalada London Dalka Ingiriiska Magaalada Stokholm Dalka Sweden Magaalada Helsinki Dalka Finland Qaaradda Eeshiya Dalka Malesiya Magaalada Kulalambur iyo Imaaraadka Carabta
Radio Hilaac waxa uu buuxiyey Shuruudaha Caalamiga ah ee xeerka Saxaafadda Aduunka waxa kale oo uu buuxiyey Xeerka Saxaafadda Somaliland.
Wixii Faahfaahin dheeraad ah waxaad kala soo xidhiidhaa
Cumar Cabdi Nuux
Chief of Editor/ Tifaftiraha Guud
Radio Hilaac
Email: radio.hilaac@gmail.com
Phone: +358466302484
Helsinki Finland