Thursday, March 13, 2014

Birmingham: Taageerayaal ka baxay Xisbul xaakimka Somaliland iyo Urur hadhay


IMG-20140311-WA0008Birmingham(GNA)-Xaflad lagu soo dhaweeyay Taageereyaal Xisbiga Waddani eek u soo biiray ayaa ka dhacday Caasimada 2aad Ee wadanka UK magaalada Birmingham, taasoo Taageerayaasha iyo Madaxda Waddani ee UK sameeyeen soo dhaweynta ka tirsanaan jiray Kulmiye iyo xaqsoor oo kasoo jeeda deegaanka Koonfurt Hargeysa iyo Hawd.




Waxa xafladaasi ka soo qayb-galay Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani Uk, Hogaanka Yurub, Laamaha Uk, iyo Xubno ka tirsan Wadani Heer Qaran.




Taageerayaashan oo ay horkacayeen Abwaan Mawliid Aadan Qoqol iyo Mustafe Haaruun Cabdullahi oo ka mida  Cuqaasha beelaha Deegaankaas dega ayaa dadkii ka hadlay waxay kooxda ku soo biiray ku qaabileen dareen furan iyo siyaasad debecsan.IMG-20140311-WA0004




. Waxaa kale oo munaasabada dib u habeyn lagu sameynayey Laanta Waddani Birmingham , halkaasoo isla Aqoonyahan Mustafe loo Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Wadani Midlands.




Dadka ka hadlay Xafladda waxa ka mid ahaa  Odey Maxamuud Cismaan oo ka mid ah Odayaasha magaalada Birmigham, Farduus Hamashool (Fulinta Waddani Heer Qaran}, Intisaar Maxamed Cali Qoys Garabka haweenka, Odey  Xasan Haaruun Gudoomiyaha, Siyaasada Waddani Uk Najiib, Siciid Bootaan oo ka mid ah madaxda Waddani, Gudoomiyaha Europe Cismaan Aw-Aadan Jamac Farax, Gudoomyaha UK Axmed Cali Naahi Iyo Gudoomiyaha Cusub Mustafe Haaruun cabdullahi, kuwaasoo dhamaantood isku waafaqay inay ka wada shaqeeyaan sidii siyaasadda Xisbiga loogu fidin lahaa Qaarada Yurub.




Garabka Cusub iyo Gudiga Cusub ee la doortay ayaa sidoo kale  lagu Ansixiyey, iyadoo Maxamuud Raage Ibrahim oo ka tirsan Fulinta Waddani heer qaran oo soo Afmeeray munaasabadan oo lagu doortay Gudigan hoos ku qoran.IMG-20140311-WA0001  IMG-20140311-WA0007  IMG-20140311-WA0009




 




Gudoomiye Mustafe Haaruun Cabdullahi




 




Gudoomiye xigeen Keyse Cabdullahi




 




Xoghaye Fu,aad Caraale




 




Afhayeen Siciid Ducaale Codey




 




Xisaabiye Samsam Maxamed




 




Garabka Haweenka Intisaar Maxamed Cali Qoys




 




Garabka Dhalinyarada Muuse Dugsiiye




 




Xidhiidhka iyo Abaabulka Tayasiir Maxamuud




 




Madasha oo siweyn looga soo qayb galay , waxa aan la ilaawi Karin gudiga UK oo ay ka Mid ahaayeen Gudoomye Xigeen Daakir , Madaxa Siyaasada Najiib Maxamed Cisman, Madaxa Abaabulka Cabdullahi Dhegaweyne, Gudoomiye Mustafe Ciyow Bristol,  Gudoomiyaha Milton Keynes  Muna Xandulle, , Amaal Cabaade, Faaqir Daahir.