Wednesday, March 5, 2014

Dhibka Qaadka!!by: Jamaal Abu-gisa


Jamaal CabdilaahiWaxyaabaha wadankeena halista ku ah ee dhaqaale ahaan caafimaad ahaan iyo tacliin ahaanba ina afeeyey waxaa kow ka ah geedka loo yaqaano qaadka kaasi oo bulshadeena fara ba,an ku haya dhinac kasta oo ay noloshu leedahayba geedkan isaga ahi waa geed ina qaatay oo inala lumay sida magaciisa ka muuqatana waxaa uu yahayba qaad macnaha waa kii wax qaaday ee halaagaayey.




geedkani waxaa uu inaga aafeeyay dhinacayada aan soo sheegnay hadaba waxaan isdul taagi doonaa bal inaan meelaha uu inaga weeraray qodob qodob u eegno waana tan:




1: waxaa uu inaga weeraray dhinaca dhaqaalaha oo waxaa uu inoo horseeday caydhnimo markaan sidaa dhahaayana waxaan u hayaa daliil cad waxaad arkaysaa qof shaqadiisa waxa uu ka helaba ku baxshaaya qaad wax meel u dhigmaaya iyo dhaqaale uu kobcinayaana majiro inuu sidaa yeelo iska dhaafoo raga qaar ayaa waxay ku siganayaan inay ubadkooda xaraashaan si ay qaad u siistaan waxaa lamarayaa heer ilaa miyiga uu meel xun maraayo oo waxaa qaadka lagu kala cunaa ama lagu kala amaahdaa waxaan ku siin doonaa wananka adhigayga ka dhalan doona waa yaab isagoo marka horeba quud xaaraana ahaa ayaa hadana waxaa lagu kala gatay iib xaaraan ah oo waxaa la dabaqay iibka shareecadeena islaamku u taqaano baycul qarar, oo macneheedu yahay iib aan la garanahayn waxa laka qaatay ama laka gatay.




sanad kastaba ninka reer miyi ama baadiyaha dagan waxa adhigiisa ka dhasha waa loo xaadiraa waana laga qaataa wax yar kadibna adhigiiba waa dabar go,aa ama waa madhaa ilayn waa xoolo dhakada lagaga taagan yahay oo larifaayo oo aan loo aabo yeelahayn sidaa awgeed buu wax yar ku caydhoobayaa.




sidaa awgeed waxaan leenahay bahalka ama geedka qaadka layidhaahaa waxaa uu inaga dhigay umad caydh ah oo dhaqaaleheenii waxaa uu si dhib yar u tagaa wadanka aan jaarka nahay ee itobiya.




 




2: dhinaca kale hadaan u soo noqono waxaa uu ianaga weeraray caafimaadka oo waxaad wadooyinka magaalooyinka ku arkaysaa dad waalwaalan ama rag waalwaalan oo suuqyada maraaya gacantana ku sita garaabo oo kaba dhigay waxaa kale oo aad arkaysaa kuwa faya qabka sheeganaaya laftoodu caadi maaha oo hoostay ka gubanayaan ilayn habeen iyo maalinba waxa la cunayaa waa sun.




waxaa uu sabay xanuuno badan oo dhinac walba leh kuwaasi oo maanta daadkeenu ay u il daran yihiin.




waxaa kale oo sabab u yahay kala taga reero badan oo dumay isla markaana kala yaacay oo is afgaran waayey qaadkuna aabo ka yahay kala tagaasi.




 




3: geesta kale waxaa uu inaga weeraray dhinaca damiirka iyo habdhaqanka wacan waxaanu inoo horseeday inaan noqono dad aan xishood iyo kala danbayn iyo sitix galin midna lahayn intaa iskaba dhaafoo waxaa uu bulshada baray diid cayga iyo ilaah cayga oo ah gaalinmo aan muran lahayn.




waxyaabaha kale ee uu aabaha u yahay qaadku waxaa ka mid ah nadaafad xumada waayadan danbe suuqyadeena iyo xaafadeheena intaba caanka ka noqotay taasi oo waayadii horay aynaan lahaan jirin oo aynu ahaan jirnay dad nadaafada jecel oo nadiif ah hargeisa laguma aqoon guddafada tirada badan ee haatan magaalada meel kastaba daadsan runtii waa mid uu qaadku sababay hooyana u yahay.




 




4:  waxaa uu inaga weeraray oo kale dhinac muhiim ah waa dhinaca tacliinta oo waxaad arkaysaa dhalin yaradii larabay inay waxbaraan oo wadanka u fakiraan ayaa waxay ku foogan yihiin qaadka cunistiisa marka laga reebo in yar oo iyagu runtii dadaasha, halkaana waxaa uu inaga naafeeyey waxaynu sharafta iyo karaamada ku lahayn ama aynu ku faani lahayn oo ah dhalin yarada ilayn wadan waliba waxaa uu ku faanaa waa hadba tayada iyo qiimaha ay leeyihiin sidaa awgeed qaadku dhalin yaadii wadanka hogaamin lahayd ee u fakari lahaydna waa inaga baabashay.




 




5: waxyaalaha layaabka leh eed arkayso waxaa kamid ah nin dhalinyaro ah ama masuul ah oo waxad arkaysaa qaad gadanaaya waliba nooca u qaalisan hadaad eegto dharkiisana waa aradan yahay waana cagaagan yahay ismana oga ee waxaa uu doorbiday inuu isagoo qaawan ama aradan oo caga cad uu qaad gato ama iibsado intaa uu qaadka ku gadanayaana isaga daayoo waxay dhar iyo kaboba u jari lahayd caruurtiisa ama qoyskiisa.




waxaa uu hadh iyo habeenba ku noolyahay been iyo wax iswaydaarin.




 




guntii iyo gabagabadii waxaan leenahay oo aan ku celcelinaynaa waar aan iska dayno qaadka ina qaatay waxaa kale oo aan leenahay oo aan kula talinaynaa saaxiibkeena cagaagan ee aradan hadana qaadka qaaliga ah cunaya inuu iska joojiyo oo uu naftiisa iyo tan reerkiisa ama qoyskiisa u tudho oo bilaabo nolol cusub oo dhab ah kana baxo khayaaliga iyo jaahilnimada aan beel gaadhsiinahayn ee beenta ku salaysan.




 




la soco qormooyin cusub hadii ilahay idmo oo ku saabsan dhibka qaadka.




 




 W/Q: JAMAAL CABDILAHI MUXUMED ( ABU CIZA)