Wednesday, March 5, 2014

Dagaal mar kale ka qarxay Caasimadda Koonfurta Sudan


Jubba(GNA)-Dagaal ayaa ka qarxay mar kale xerada ugu weyn ee militeri ee caasimadda koonfurta Sudan ee Juba.




S.sudanHalkaas ayaa ah goobtii uu ka bilaamay dagaalkii hore ee dalkaasi ka socday ilaa dabayaaqadii  sanadkii tegay.




Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada dawladda iyo kuwa Mucaaridka ee daacada u ah Madaxweyne ku-xigeenkii hore.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda ilaa hada.




Labada dhinac ee dagaalamaya ayaa hore u kala saxeexday Heshiis xabad joojin ah.




Dagaalka ayaa hore uga socday Goboladda ka baxsan Caasimadda.




Wariye ka tirsan Ideecadda BBC-da oo ku sugan Jubba ayaa sheegay in dadka xerada ku jiray baro-kac bilaabeen.




Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaabay xili Milateriga loo qaybinayay Mushaharka.




Dedaallo diblo maasiyaddeed ayaa xasilooni ku meel gaadh ah ku soo dabaalay dalkaasi bilihii la soo dhaafay, ka dib gacan ka hadalo faraha lagaga gubtay oo ka dhacay Gobollada Saliida qaniga ku ah.