Dhamaanteen waxaan u Baahanahay candhuufta(saliva) si aynu qoyaan ugu yeelno afka uguna nadiifino afka,sido kale cuntada calalisteeduna u fududaato.faa’idooyinka candhuuftuna aad bey u badantahay sidoo kale candhuuftu waxa ay ka hortagtaa caabuqa ay keenayso bacteriyda iyo fangaska ku nool afka.
Hadaba A:waa maxay af qalal(xerostomia)?
Af qalalku wa dareenka uu qofku dareemo in candhuuftu afka ku yartahay.qof walba waxa uu yeeshaa afqalalka wakhtiyada qar sida:wakhtiga qofku cadhaysanyahay,murugeysanyahay,iyo wakhtiga cabsida. Hadii qof yeesho af qalalka wakhti walba waxey ku keenaysa raaxo la’aan,waxayna ku sababi karta qofka dhibaatooyin caafimaad oo badan.af qalalkuna wuxu caalamad u noqon karaa xanuunada qaar ka mid ah. af qalalku wuxuu sababi karaa:dhibaatooyin lagala kulmo dhadhaminta cuntada iyo calalinta iyo liqida cuntada oo adkaata,sidoo kale hadalka oo dhibaato lagala kulmo,wuxuuna fududayn karaa suuska ilkaha ku dhaca oo si fudud u burburinaya ilkaha,iyo caabuq ayuu keeni kara af qalalku.waxaana sababa afqalalka dawooyinka qaar.
Af qalalku maaha shay iska caadiya ee qofka isku arkaa wa inuu la kulmaa dhakhtar cudurada guud ah ama dhakhtarka ilkaha,si uu ugu tilmaamo siduu uga fogaan laha af qalalka.
B: calaamadaha af qalalka: waxa ka mid ah:
1:dhag dhag iyo qalayl laga dareemo afka.
2:dhibaatoyin lagala kulmo ama la dareemo waktiga calalinta cuntada ,dhadhaminta,liqida,iyo hadalka.
3:dareen af olol iyo cunaha oo qalala bukaanka.
4:dabin dildilaac iyo carabka oo qalala oo qallafsan.
5:naburo iyo caabuqyo ku dhaca afka.
C: maxaa sababa ama keena af qalalka?
_Dadku waxay yeeshaan af qalalka marka qanjidhada loo yaqaan(salivary glands) ay shaqadooda qaban waayaan,kuwaas oo ah qanjidhada candhuufta soo daaya,sidaa awaadeed afku ma helayo candhuuf ku filan oo qoyaan u sameysa.aad beyna u badanyihiin sababaha keena in qanjidhadan shaqadooda qaban waayaan.
_waxa kaloo keeni kara af qalalka saameyn ka dhalata daawooyinka qaar kood.in kabadan 400 oo daawo ayaa keena af qalal iyago yareynaya candhuufta laga soo deynayo qanjidhada loo yaqaan (salivary glands).tusaale ahaan daawooyinka loo qaato dhiig karka(blood pressure) iyo niyad jabka (depression) badana af qalal ayey keenaan(as side effects)saameyn ka dhalata.
_cudurada:qaar ka mid ah cudurada ayaa raad ku yeesha qanjidhka.sida (sjogren’s syndrome),AIDS/HIV,Macaanak waxay keenaan af qalal.
_dhaawac soo gaadha neerfaha: khaasatan neerfaha madaxa iyo qoorta waxa dhaawacmi kara neerfaha qanjidhka amar ku siinaya inuu candhuufta soo daayo.
_chemical ahaan marka lagu daweeyo cudurada qaar sida cancerka waxey keeni karaan af qalal.
_ku daaweynta( x-ray) cudurada qaar,waxa ka dhalata af qalal.
D: daaweynta af qalalka:
Daawenta af qalalku waxay ku xidhantahey in la ogaado sababta keentay af qalalka.hadii aad dareentid af qalal wa inaad booqataa dhakhtarka ilkaha iyo afka ku takhasusay, ama dhakhtarka cudurada guud.dhakhtarka ayaa cadeyn doona waxa sababey af qalalka.
Hadii af qalalka ay keentay dawo aad qaadatay dhakhtarku wuu kaa badeli doona dawada ama wu ka dhimi xaddiga aad qaadenaysay dawada. Hadii qanjidha candhuufta soo daayaa ayna shaqaynayn waxa uu kusiin doonaa dhakhtarku dawa kaa caawisa qanjidhada si ey usoo dayn lahaayeen candhuuf.ama sidoo kale candhuuf ama saliva sameysa ayu kuso qori doona dhakhtarku si afka ay u qoyso.
E: Ka hortaga af qalalka(prevention):
1: waxaad cabtaa badanaa Biyo ama cabitaano aan sonkor laheyn.
2:ka fagow cabitaanada ay ku jirto (caffeine) sida shaaha,coffeyga iyo qaar ka mida sharaabyada sida cocaha.caffeinetu waxay qalajisa afka.
3:waxad cabtaa biyo ama cabitaan aan sonkor laheyn wakhtiyada cuntada aad cuneysid.waxey keeni karaan an ay calalinta iyo liqidaba fududaato.sidoo kale dhadhanka cuntada ayaa fiicnaada.
4: calasho xanjo aan sonkor laheyn ama nacnac aan sonkor laheyn oo laga helo pharmaciyda, waxayna dareen siinayaan qanjidhada in ay soo daayaan candhuufta.liintuna wey fiicantahay.
5: ka fogow tobaccada(sigaarka) iyo alcoholta. Waxey qaljiyaan afka.
6: waxaad ogaataa in milixda iyo qajidu ay af olol ku keeni karaan af qalalka.
7: isticmaal habeenkii uumiye(humidifier).
8: waxaad ogaataa in qofka af qalalka leh u nugul yehay ilka xanuun ama suuska ilkaha,sidaa daraaded waa in ilkaha si dhamaystiran loo cadaya laba jeer 24kii saacadoodba.dunta ilakaha lagu nadiifiyana isticmaal iyo daawada ilkaha lagu cadayo ee ka kooban fluoride.
9: ka fogow cuntooyinka dhag dhaga badan leh iyo sonkorta.hadii aad cuntid contooyinka dha dhaga badan leh sida ugu dhakhsaha badan leh uga cadey.
7: booqo dhakhtarka ilkaha ugu yaraan laba jeer sanadkiiba. si uu u jeeg gareeyo ilkaha.
Email:qaxdaani01@hotmail.com