Hargeisa(GNA)Ciidamada Boolika ayaa laba qof oo kale u qabtay kiiska Haweenaydii shalay maydkeeda laga helay Magaalada Hargeysa, taasi oo ilaa hadda aan la aasin, isla-markaana maydkeedu yaallo cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Taliyaha booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da u sheegay inay kiiskaasi u qabteen laba qof oo kale, kuwaasi oo tirada dadka kiiskaasi loo hayo ka dhigaysa 8 ruux oo lix ka mid ahi yihiin qoyska haweenayda gurigeeda lagu dhex aasay Maydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle
Taliyaha Booliska oo la waydiiyey sababta ilaa hadda loo aasi la’yahay Marxuumadda, ayaa sheegay in ilaa hadda baadhitaan lagu samaynayo maydka Marxuumadda, si kiiskeeda meel loogu tiirinayo...