Lughaya(GNA) Wasiirka Wasaarada Dib U Dajinta Somaliland Md. Maxamed Cabdi Kaahin ayaa maanta degmada Lughaya keenay xildhibaano sedex ah oo ka soo jeeda beesha Ciise, kuwaas oo mudo sanad ku siman ka maqnaa degmada, waxana isla maanta uu Wasiirku kulan u qabtay xildhibaanada degmada Lughaya, waxana uu kulankani noqday kii u horeeyay ee ay ka soo qayb galaan xildhibaanadaasi sedex ah oo ka soo jeeda beesha Ciise ee ka maqnaa xilkooda, wixii ka dameeyay doorashooyinkii degmadaasi oo ay xildhibaanadani sheegeen inay iska casileen xilkooda.
Kulankan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Maayarka degmada Lughaya, iyo xildhibaano dhawr ah oo ka mid ah xildhibaanad degmada Lughaya, waxana ay wararku intaasi ku darayaan in Wasiirka dib u dajintu xildhibaanada la hadlay isla markaana ka codsaday inay soo afjaraan ka maqnaashihii xildhibaanada beesha Ciise ee degmada Lughaya, “Waa kuwan xildhibaanadii maqnaa, waxana aan sheegayaa inay diyaar u yihiin inay gutaan waajibkooda shaqo, isla markaana gabi ahaanba iska tuuraan tabashooyinkii iyo tirsashadii hore ee sababtay inay ka maqnaadaan mudo sanad ku siman degmada iyo gudashada xilkooda, waxana aan xildhibaanada kale ka dalbanayaa inay soo dhaweeyaan oo ay la shaqeeyaan” ayuu yidhi Wasiirku.
Wararku waxa kale oo ay intan ku darayaan in maalinta bari ah uu degmada Lughaya gaadhi doono wafdi uu hogaaminayo Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal, kaasi oo halkaasi u tagi doona sidii loo dhaarin lahaa xildhibaanada, balse ilaa wali waxba lagama oga in xildhibaanadan beesha Ciise ay qaadan doonaan soona buuxin doonaan booska maayar ku xigeenka degmadaasi oo wali u banaan
Xildhibaanad la soo xero galiyay ee ka tanaasulay mawqifkoodii hore ee ku aadanaa doorashooyinkii degmada Lughaya ayaa waxa ay kala yidhii Xildhibaan
Xil Muumin Muuse Ducaale
Xil Ibraahin Jaamac Maydhane
Xil Cumar Maxamed Dhimbiil
Mustafe caraale
Gobanimo news.com
Lughaya/somaliland