Tuesday, December 10, 2013

Somalia:Maxkamadda G. Banaadir oo Xabsi ku xukuntay Wariyeyaal dhibaneyaal ah


Muqdisho(GNA)-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala gedisan oo xarig ah ku riday agaasimaha idaacadda Shabelle, C/maalik Yuusuf Maxamuud, gabar lagu magacaabo Faadumo C/qaadir oo sheegatay in la kufsaday iyo weriye Maxamed Bashiir Xaashi oo wareystay.




Saddexdan Suxufi ayaa dhawr todobaad ka hor xabsiga loo taxaabay, ka dib ay soo shaac baxday Sheekadda Kufsiga ah oo ay sheegtay Gabadhu inay u geysteen laba wariye oo ka hawl-gala Warbaahinta Dawladdu.




Agaasime C/maalik ayaa lagu eedeeyey in Idaacadiisa laga sii daayey aflagaado gef ku ah madaxda Qaranka, iyadoo weriye Maxamed Bashiir iyo Faadumo C/qaadir iyana lagu eedeeyey iney faafiyeen kufsi been abuur ah, ayna dembigaas u saareen weriyeyaal kale.




Mid ka mid ah qareenada u doodayey agaasime C/maalik ayaa maxkamadu ay amartay in dibeda loo soo saaro ka dib markii la sheegay inuu ku xad gudbay nidaamka dhegeysiga dacwada.




Agaasime C/maalik ayaa beeniyey inuu qabo eedeymaha loo soo jeediyey isagoo sheegay in xiliga idaacadiisa ay wararkaas aflagaadada ah ka baxayeen uusan isagu masuul ka aheyn.




Weriye Maxamed Bashiir iyo gabadha kufsiga sheegatay ee uu wareystay ayaa iyana la weydiiyey iney keenaan cadeymo muujinaya kufsiga iyo ragga geystay hase ahaatee waa la keeni waayey.




Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ugu dambeyn sheegay in sadexdan qof ee maxkamada la horkeenay dhamaantood lagu helay dembiga lagu soo eedeeyey.




Xaashi Cilmi Nuur ayaa intaa ku daray in agaasime C/maalik lagu xukumay hal sano oo xabsi ah kaasoo haddii uu doono uu iibsan karo.




 sidoo kale Weriye Maxamed Bashiir Xaashi ayaa isna lagu xukumay lix bilood oo xarig ah kaasoo isna uu iibsan karo.




 sidoo kale maxkamada ayaa lix bilood oo xarig dibed joog ah ku xukuntay Faadumo C/qaadir oo ah Gabadha sheegatay in la Kufsaday.




Ma sheegin guddoomiyaha Maxkamada qiimaha lagu iibsan karo xariga uu riday hase ahaatee sadexda qof ee la xukumay ayaa dib loogu celiyey xabsiga dhexe ee Muqdisho ka dib markii lagu riday xukumadaas.




Saddexdan wariye ayaa ahaa Dhibaneyaal marka loo eego siday dacwadoodu ku soo bilaabantay.




Faadumo Cabdiqaadir ayaa sheegtay inay kufsadeen laba suxufi oo ka hawl-gala Radio Muqdisho, kuwaasoo la kala yidhaahdo Cabdmaalik iyo Jbriil.




Agaasimaha Iddeecada Shabeele ayaa dhawaan Xaruntii warbaahintiisu ku jirtay.




Labadooduba waxay dhibaneyaal u ahaayeen Dawladda Somaliya, balse sida muuqata Kiisaska ay tirsanayeen ayaa maxkamaddu ku tilmaantay been abuur iyo af-legaado.




Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya Nickolas kay ayaa ka digay xadhiga wariyeyaashan, markii la xidhay waxaanu ku taliyay in baadhis qoto dheer la sameeyo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com