Monday, December 9, 2013

Sheeko Gaaban: N i N is nacay !! Xasan M. Cismaan


Ma wayna Mana yara laakiinse waa doob nolasha ka dhacay. Markaad indhaha qac ku siiso, waxa wajigiisa kaaga muuqanaya ifaa filaha nin doorsamay. saaxiibkiyo wehelkiisa koowaad ee nolashu waa raamsi iyo mirqaan dheeraysi aan xeelad lahayn. Nin kan isaga ah. Waayuhu kama hiilin wakhtiguna ma saacidin. Waa da,daala waa shaqaystaa waana dhididaa, laakiinse waa u muuq xumo iyo aragti aan indhaha u roonayn. Maalinta galinkeega hore inta uu shaqada ku jiro, waa u hiq huq iyo karaahiyasho nafsadeed oo wada socda. markase saacadu afka saarto 12 duhurnimo, waxay u tahay waa cusub oo u baryay. waxad muuqiisa ka dheehanaysaa. Dhoolacadayn farxad iyo rayn rayn isku lamaan. tolow ma aroos baa loogu bushaareeyay? Maye dhib kala wayn baa jirta. oo maxay tahay waxa kala wayni? maada warba haya xaaja laawe, sow odaygii xareed ee mirqaan maceeye. Maanta kuma dhawaaqayo, haareey waa sideed, ha talo seegin hana ku turan turoon ee soo gaadh. ee nacastu intay sixir jaban sugsooy saqda dhaxe naqu wareegi.." ninka odayga ah waakaa isaago meel dhexe soo maraya. Dhagta la raacay dhawaaqaa xabeebsan ee oday xareed ka soo yeedhaya. Dhanka kaleba isagoon jaleecin waaka kolaygii soo dul istaagay. Ii baaqdaye maxaad haysaa xaaji, kuu kala dhigaye kala bax in taad calmato. wuxu kala fadhaba kala bax laba mijood oo uu macquul iyo inay maanka soo celinayaan u arkay. Waa isku arkay inuu yahay Nin dhamaystiran.




Waa kaa isku arkay nin dhamays tiran. Markanse wuxu iskula sharawsan yahay. naftiisana ugu maano sheegayaa. Ku sugnaashiyo xaalad deganaashiyo naruuro iyo nasteex isku sidkani hagayaan. Waakan isagoo talaabada giijinaya. labadii mijoodna ku laafyoonaya. wax yar jidka dhex istaagay. markan muxuu gocanayaa. Muxuuse tabayaa? Waaka maanka yara mashquuliyay maskaxdana hoos ula yar faqay. sawirka u soo baxay wuxu noqdax, maanta waa inaad ka ag dagtaa inantii geenyada ahayd ee hinda shaah macaan. nin 'yow meesha yar fax sanaa akhiyaar badanaa Caways qurxoonaa biyo raacis diiranaa. oo walibana markay halkii yarayd ee baran,daha kuu go-gasho, faalaas bigays khafiifa oo maanka iyo maskadaba raaligalisana kuu keento. Kaaga darane sow meesha yari daaqad yar mahaa ood wax waxwalba ka dheehanaysid. sow ma soo hor marayaan. hablihii bilanaa ee bar-baartaba u roonaa. Ma hadyad ka wacan oo ka wanaagsan baa jirta? mar ay noqotaba haday ku soo hor marto dhex yartii jalaq sanayd. ee jooga quruxda jamaalka iyo jidhkaba lagu manaystay? sow nasteex iyo narooro kuuguma fila? ayaamo is xigana maskaxdu ha rog-rogte? kolay ay taayirada uun kor uga yar qaado? Waa sidaas oo waa jaanise rag hortiiba maanta iska sii fadhiiso. Mar aad hinda shaah maacaanba iskala sii kaftanto.? Waa haday kaa rasayse? Miyaay kaaga dari. Mar aad sii socod keeda, indhaha u dabciso? Mar aad markay foorarsato. Indhaha la raacdo.? Iyo siidaasa dhabe dhaqaaq.". isku soo wada duubo waa nin is nacay.




 By. QALINKA:




 xasan m. Cismaan




 joornaaliste