Monday, December 9, 2013

Puntland: C/wali Gaas oo Booqanaya Gobolka Sanaag ee Somaliland sheegato


Badhan(GNA)-Raisalwasaarihii Hore ee Somaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Booqasho ku tegaya deegaamada Gobolka Sanaag, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Bulshada rayidka ah ee deegaanku.




Waa Musharixii saddexaad ee booqasho ku yimaada gobolka Sanaag, waxaanu ku sii jeedaa degmooyin ay ka mid tahay Badhan oo ah magaalo madaxda Barriga Sanaag.




Magaalada Badhan ayaa laga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweyntiisa.




Gaas ayaa shalay booqday Gobolka Barri, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.




Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah deegaamada lagu muransanyahay ee somaliland iyo puntland ku yooyootamaan.




Maamulka Somaliland ayaa isbedel siyaasaddeed ka sameeyay bilihii ugu dambeeyay, halka Puntland saameynteedu ku yaraatay.




Labada Musharax ee kala ah Cali Xaaji Warsame iyo Dr Shire Xaaji Faarax, ayaa hore booqasho Ollole doorasho salka ku haya ku yimi halkan, waxaana ku soo dhaweeyay bulshada.




Xukuumadda Somaliland ayaan wax talaabo ah ka qaadin siyaasiyiintaasi, haatana aanay ka muuqan wax qorshe ah oo ay kaga hortegayso.




“Puntland waxaan ugu baaqaynaa inaanay deegaamada somaliland la soo gelin Doorashooyinkooda, oo aanay Gobolka khal khal uga abuurin” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay bishii hore wasiir ku xigeenka Macdanta iyo tamarta Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan.




Laakiinse Musharax C/wali Maxamed Gaas oo ah Ninka ugu cad cad raga u ordaya Doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa wacad ku maray inuu tegayo Deegaan kasta oo ka mid ah Dhulka Puntland.




Badhan, Dhahar iyo Laasqoray oo ka mid ah deegaamada ay somaliland siyaasad ahaan sheegato ayaa ku jira Gobollada Puntland ee ku xusan Dastuurka Maamulka Puntland, inkasta oo tabashooyin bulshadu qabtaa siyaasad ahaan ka leexiyeen Maamulka hada jira dhismaha Puntland.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com