TR:10/12/2013
waxaan ahay nin Arkaaya, waxaan uunku arkaynin, waxaan ahay Nin arkaaya ulajeeda habowday, waxaa si fiican u bilalwday is ka hor imaadkii 184 tii mudane, ka dib markii ay kala noqdeen ( kala dan, qaarkoodna ay shaki ka muujiyeen wixii ay ku balameen madaxwaynaha.
ma, jirin qorshe heshiis lagu ahaa kana turjumaaya , maslaxadda guud iyo tan gaar ahaaneed, marka laga reebo aynu riddno saacid.
waxaan rabaa, in aan iftiimiyo shirqoolka qof waliba meesha uu kaga jiray iyo sida ay ku heleen taageerada baarlamaanka.
Bud-dhiga shirqoolka waxaa ahaa FAARAX CABDUQAADIR waxaana ku taageeray CABDI KARIIN XUSEEN GUULEED,
FAHAD YAASIIN oo isnna qayb ka ahaa shirqoolka, waxaa isaga gaar u ahaa inuu keensado raisalwasaare, maa daama hore loo xumeeyay, intasi waa Aabayaashii (INQILAABKA)
XASAN SHEIKH MAXAMUUD waxaa la soo daristay (LABA -DARAN MID DOORO)
Mudanayaasha qaarkood, waxay ahaayeen (brokers )waxayna ka fuliyeen shirqoolka, waana hubaa in ay ku qanceen DHAQAALE XOOG LEH, oo ka soo galay mashruuca.
Qayb kale oo ka soo jeeda 184 ta mudane, waxay ahaayeen kuwo ku gor-gortamaaya, waa in nala siiyaa, raisalwasaraha haddii aad rabtaan, inaanu idin la fulinno ridista SAACID.
Kuwo kalle, waxay ujeedadoodu ahayd, marka la magacaabo raisalwasaaraha cusub, waa in aanu hellaa wasiirro iyo wasiir ku xigeenno, si aynnu wax u wada yeelanno.
Kuwo kalle, oo ka mid ah mudanayaasha waxay ku qanceen in FARA GUUD KOOD WAX LOO SAARO , waana kuwa ugu liita intii ka qayb qaadatay shirqoolkii siyaasadeed ee lagu riday raisulwasaarihii hore.
Isku soo wada duub, ma jirto cid ka talisay maslaxadda guud iyo mid gaar ahaaneed, sida soomaaliay ku sugan tahay maanta.
Murti soomaaliyeed, ayaa oranaysa ( WAX QURUX BADAN GUURSO, WAXAY KUU DHALI WAX QURUX BADAN ).
Ujeedada, aan ka leeyahay murtidan, waxa weeye markii hore ayaynaan dooran, baarlamaan qurux badan, sidee looga fili kara
in ay doortaan madaxwayne qurux badan oo ilaalinaay dastuurka .
Waxa, taas ka sii daran waxaa laga sugayaa maanta madaxwaynaha, inuu soo magaaabo raisalwasare cusub, iyana waa mustaxiil inuu soo magacabo nin ay soomali ku diirsato, maxaa yeelay ma rabo (NIN KHIBRAD LEH ) caalamkana yaqaan .
Waxa, taa ka sii daran SHAQAALAHA lagula balamay inay qayb ka qaataan, ollolaha lagu ridaayo raisalwasaaraha, oo loo balan qaaday inay noqonayaan
SAFIIRRO,AGAASIMAAAL GUU, qaarkoodna, lasiin doonno QANDARAASYO, ma rabo inaan magacaabo shaqaalahaas maxaa yeelay SHAQAAALE SIYAASADU WAA KA XAARAAN.
( maalin daran, haday jirto, maalin ka sii daran ayaa jirta waana maanta ).
By: Cali Daacuun