(GNA) Maxkamad ku taala magaalada Tokyo ee caasimada wadanka Japan ayaa 3 sannadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500,000 oo Yen oo ah lacagta Japan ku xukuntay haweeney lagu eedeeyay inay qal qal galisay shaqada booliska wadankaas oo ay wicitaan kala daashay
Booliska dalkaasi ayaa sheegay in haweeneydan la xidhay kadib markii ay booliska taleefoon ka gurmadka deg dega ah in ka badan (15,000 Shan iyo Toban kun) oo jeer muddo 6 bilood gudahood ah.
Saraakisha waxay cadeeyeen boolisku haweeneydan gurigeeda ugu tageen dhawr jeer markii ay cabashadeeda weydiiyeena ay diiday inay sheegto.
Afhayeen booliska u hadlay ayaa sheegay in haweeneydan oo 44 sano jir ah diiday inay booliska ka deyso garaaca telefanka markii dambe la xidhay.
“In ka badan 15,000 oo jeer ayay booliska u yeedhay wiliba 927 jeer waxay uyeedhay qeybta gurmadka deg deg ah” waxaa sidaas yidhi afhayeen booliska u hadlay.
Qareenka u doodiyay haweeneydan ayaa sheegay in uuhayo xanuunka dhimirka hase ahaatee arrintaa waxaa beeniyay dacdwad oogayaasha maxkamada ku sugnaa.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com