Hargeysa(GNA)-Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa Huteelka Ambaasadoor ee Magaalada Hargeysa tababar uga furtay kooxo dhalinyaro ah oo Xog ururin ka samayn doona Xaaladda ay Dumarku ku suganyihiin wakhtiga dhalmada, kuwaas oo ka kala hawl geli doona dhamaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.
Kulanan oo ku eekaa shalay, ayaa waxa soo qaban qaabisay Hay’adda Daraasaadka iyo Cilmi Baahista ee DARS oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO, waxaana ka qayb galay Masuuliyiinta Hay’adahaasi, xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo hawl wadeenada fulinaya xog ururintaasi.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan oo furtay kulankaasi, ayaa hadal kooban oo dardaaran ah oo ay ka jeedisay waxa ay tidhi “Waxa aynu isugu nimid in tababar la siiyo Hawl wadeenno ka hawl geli doona, sidii ay xog u heli lahaayeen
Hooyada Somaliland iyo Dumarku marka ay ku jiraan xilliga dhalmada waxyaabaha sababa, waxa aynu odhan karnaa waa hawl ballaahan oo ah xog ururintii ugu horaysay ee la sameeyo, waxaana iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Hay’adda WHO iyo Hay’adda DARS ooh awl fududaynta wada iyo Jaamacad Abudabay la yidhaahdo, wxaan leeyahay wa hawl culus oo ah tii ugu horraysay, waana hawl haddii ay inaga qaloocato ina daba socon doonta mustaqbalka, waxaan ku boorinayaa dhalinyarada inay hawshaas inooga soo baxaan 10 ka sannadood ee soo soxda xogtii ay wasaaradda Caafimaadku ku hawl geli lahayd ee ay ku salayn lahayd barnaamijyada hooyda iyo dhalllaanka in lagu horumariyo caafimaadkeeda taas ayaa kula dardaarmayaa” Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka oo hadalkeeda sii wadatay waxa ay intaasi raacisay “Waxaan kula dardaarayaa Gobolada iyo Degmooyinka, Maayirrada iyo Masuuliyiinta Dawladda u jooga iyo Hooyooninka xogta laga doonayaba oo la doonayo inay xogtaasi noqoto mid run ku salaysan, aadaama oo aynu doonayno in barnaamijkii 10-ka sanno ee soo socda lagu hawl gelilahaa halkaas ka soo baxdo, Xog ururintanna tahay tii ugu horraysay waa in ay si sax ah inooga dhacdo, waa inaanay noqon mid inta gidaar lala fadhiisto la soo buuxbuuxiyo, waa inay noqotaa xog ku salaysan xogta dhabta ah iyo baahiyaha caafimaad ee goobtaasi ka jira, waayo waxa aynu ognahay in caaladda caafimaad ee dalka ay duruufo baadani ku gadaaman yihiin, waxa ay noqonaysaa mid soo shaacsaarta xaaladda caafimaad ee dalka ee dhabtab ahi halka ay taagan tahay, waxaanay noqonaysaa miisaankii laga qiyaas qaadanayey ee ah halkee ayeynu u soconaa oo aynu gaadhaynaa, waa inay ka soo baxdaa xog aad idin kuna amaanteeda yeelataan”Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baadhista ee DARS Ibraahim Haashin oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu kooxahan samaynaya xog ururintan kula dardaarmay inay keenaan xog rasmi ah oo dhamays tiran, waxaanuu uga digay inay gidaarada la fadhiistaan oo ay soo buuxbuuxiyaan, isaga oo xusay inay dhowaan gobolada dala ee kale ka billaabi doonaan xog ururintan oo ay tababar siin doonaan kooxaha ka hawl geli doona.