Tuesday, December 10, 2013

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo qaabiley wefti ka socda Denmark


Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta xafiiskiisa  ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmark.




Wafdigan oo uu hogaaminayey Md  Henrik Jespersen, Senior Technical Adviser oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda  waddanka Denmark, kana mid yihiin  Marwo Lotte Mindedal oo la taliye ka ah  safaaradda Denmark ee Nairobi (Coundellor - Development Somaliland and Somalia Team) iyo Md Soren Skou Rasmussen, madaxa DANIDA ee Somaliland (Head of Office, Programme coordinator/DANIDA programme Office, Hargeisa).




Wafdigani waxay Somaliland u yimaadeen qiimeynta mashaariicda horumarineed ee dawladda Denmark maalgeliso ee ka socda Somaliland. Wafdigani mudadii ay joogeen waxay soo booqdeen gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.




Gudoomiyaha oo si diiran u soo dhaweeyey waxa uu si guud wafdiga ugaga warramay arrimaha horumarka, Amniga, Doorashooyinka iyo  Diiwaagelinta, Gudoomiyuhu waxa uu xusay in shacbiga Somaliland uga mahadnaqayaan dawladda Denmark kaalinta ay kaga jirto mashaariicda horumarineed iyo taabagelinta dimquraadiyadda iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay doorashooyinku u qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah 2015.




Madaxa wafdigu waxa uu gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga xog warramay baaxadda kaalmada dawladda Denmark siiso Somaliland iyo ka qayb qaadashada diiwaagelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan la filaayo inay dalka ka qabsoonto.




Gobanimonews




Hargeysa Office