Muqdisho(GNA)-Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Ing. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay qorsheyneyso in Dekeda Kismaayo ay ku wareejiso shirkado ajaaniib ah.
Ing. Yariisow ayaa warkan u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters isagoo xusay in ujeedada qorshahaas laga leeyahay ay tahay sidii loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa.
''Madaxweynaha jamhuuriyada wuxuu rabaa inuu si weyn ula dagaalamo Musuqa, wuxuu rabaa in si wanaagsan loo maamulo dhaqaalaha ka soo xerooda dekada Kismaayo balse awoodiisa hadda waa mid kooban'' ayuu yiri Eng. Yariisow.
Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku sii daray in loo baahan yahay in Shirkado ajaaniib ah lagu wareejiyo Dekada Kismaayo si ay uga caawiyaan Dowlada maamulida dekeda iyo la dagaalanka Musuqa.
Heshiiskii ay Addis dhowr bilood ka hor ku kala saxiixdeen dowlada Somalia iyo Maamulka KMG ee Jubba ayaa dhigayey in muddo Lix bil ah ka dib Maamulka Dekada Magaalada Kismaayo ay ka wada arinsadaan labada dhinac.
Hase ahaatee lama oga in Maamulka Jubba uu aqbali doono in Shirkado Ajaaniib ah Dekada Kismaayo lagu wareejiyo waxaana hadalkani uu ku soo aadayaa xilli hogaamiyaha maamulka Jubba uu shalay ku dhowaaqay liiska xubnihiisa cusub ee golaha wasiirada maamulkaas.