Siyaasiyiinta, culumada, oday dhaqameedyada, aqoon yahaynka intuba markey hadlayaan oo ay ka hadlayaan arinka tahriibta ee dhalinyarada mid qudha oo run ka sheega ma jiro, ee dhalinyaadu u tahriibayso iyo barakaca xasuuqa wata ee lagula kacayoo dhalinyaradii Somali land ,ileyn sababta keentay tahriibta cida iska leh, ee gaysatey xasuuqaa dhalinyarada soomaliland loo geystey in la soo maxkamadeeyo, hadii kale ilahay ayaa ayunu u dhaafin inuu maxkamadiisa saaro.
Dhalinyarada dalku waa muwadiniinta dhabta ah una samrey dhib iyo dheefta kuna dhameystay jaamacada dalka iyo kuwa jaarkaba, iyagoo ka qaybqaatay dibu dhiska dalka iyo kobcinta dimuquraadiyaada, iyagoo xisbi kasta bilow ilaa dhamaad u soo hure dhiig iyo dheefba iyagoo baahi kasta qaba, abaalkoodii waxa uu noqday in lagu daneysto oo salaamada lagu fuulo madaxweyn, baarlamaan, gole deegan intuba,ayaa waxaa dhalintii sidaas ahayd laga hor mariyey nin qurbaha ka yimid oo aan cilmi lahayn, kala aqoona baahiyahay dalka ,taas oo shahaadada jaaamacadaha laga qaato uu ka wanaagsan yahay baasaboorka reer galbeedka oo aan xitaa aqoon haysan, dhalinyaradu in mar hore ay ogaadaan bey ahay baasaboorka reer galbeedku inuu ka faaiido badan yahay shahaadada jaamacadaha dalka laga qaato, markay bixinayaan shaahadada jaamcaduhu kuwa aynu kor ku soo sheegney waxay dhalinyaada ku yidhaahdaan sii wata cilmigu ma dhamaadee, hada iyagoo og sida uu ku dhameystay tan koobaad se waxay u jeedaan ney iska jeedinayaan oo ay leeyihin dalku inaguma wada filna ee aanu cuno ee na daawada bal eeg xagiigada dhabta ah ee jira.
Madaxda dalka , madaxweynaha , gudoomiyah guurtida ,baarlamanka, wasiirada , agaasimayaasha dawlada waxay u badan yihiin qaar sita baasabor ajaanib ah ,waxanu ogaaneya in nin sita baasaboor ajaanibi halkan ka shaaheyney.
Dhalinyarada ka qaadada mushaarada wasaarada iyago ah shaqaalaha ugu hoseeya ee goobkasta dawlada ka mid ah qaatana 120$ ka ugu badani , ayaa waxaa la keenayaa wasarada nin sita baasaboor ajaaniba ah luuqad mooyeen aqoon kale ma laha , lagana dhigayaa la taliye qaatana 2000$ ayna siiyaan UNDP kaas oo maalina yimaada maalina iska maqnaada
Haduu nin qurbaha ka yimaado , waxa loo sameeyey magac ah qurba jog hada waxa uu ahaa qaadle ama mid caydh qaata, aya marka uu dalka yimaado haduu doono inuu madaxweyna la kulmo si dhib yar ayaa loogu geeyaa kii dalka jogayna ee habeen iyo maalinba u soo jeeday inuu fuulo kursigas ayaa noqda nacas.
Haduu gurba joogu u baahdo inuu la kulmo gudoomiyayaasha xisbiyada iyaguna fadhigay uga kacaan waxayna uga waramaan sirkta xisbiga kii dhalinyarada aha ee soo aasaasayna waxba kama aha, xitaa haduu mr.gurba jog u baahdo wasiirada , wasiiiradu waxay yidhaahdaan ma shiidal ayaad dooneysaan maxad kharash u baahan tihiin oo wasiirkiiba waxa uu ka baqayaa mr:qurba jog inuu haduu raali galin waayo uu madaxweyna u sheego lana badalo ileyn madaxweynihii ayuu si fudud u helayaaye, kan dalka joogana waxa lagaga baxaa adeer mashquul ayaan ahay.
Ninka qurba jooga ah haduu dibada ka yimaado sheikh iyo shariifba waxay u guntadaan sidii uu u guursan lahaa inantiisa, kan dalka joogana waxa uu odhanayaa waar qaadkuu cunaa mushar wanaagsana ma qaato, hada waxaba laga yaabaa inuu yahay kuwii la qabay, xitaa hadii loo sheego waxaa uu odhanayaa wey ka xun yihiin.
Waxaa loo aas aasay cida sidata baasaboor ajaaniba ah hayyad la yidhaa qurba jog oo miisaniyada ku jirta ,kuwa dalka jooga xitaa waxaa loo quudhi waayey hayyada dal jooga ah, isku soo wada duuboo waxas oo dhani sow dhiiri galin ma ah in la tahriibo siday u soo qaadan lahaayeen baasaborkii ajaanibka ah.
Ma odhan karnaa madaxweynihii somaliya ee siyaad bare ninka sita baasaboor ajaanib ah waxa uu mamnuuc ka ahaa inuu shaqaale dawladeed noqdo xitaa waxaa dabagal ku hayn jiray dhaqdhaqagiisa inta uu dalka joogo hayadaha amniga , maanu dhiiri galin siyaad bare kuwa dalka joga,mise waxaa dhiiri galiy kuwa imka.