Iid Jiciir oo xabsiga loo taxaabay
[caption id="attachment_94426" align="alignleft" width="215"] Iid Jiciir waxa uu ka mid ahaa Ururkii Xaqsoor[/caption]Hargaysa (GNA)Xukuumada Madaxweyne Silaanyo ayaa maanta galinkii hore xabsiga dhigtay Mujaahid Iid jiciir Aw Axmed oo ka mida Xubnaha ku Bahoobay Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland.
Iid jiciir ayaa ilaa gelinkii dambe ku xidhnaa Saldhiga Dhexe ee magaalada Hargeysa,lamana garnayo ilaa haddda sababta rasmiga ah ee ay xukuumaddu xabsiga u dhigtay mujaahid Iid Jiciir .
“waxaa noo suurtagashay in aanu wax ka ogaano sababta loo soo xidhay iyo cidda soo xidhay waxaanu noo xaqiijiyay in ay soo xidheen ciidamada Militarigu isla markaana ay si toos ah ugu soo xidheen saldhigga dhexe ee uu haatan ku xidhanyahay”.sidaasi waxa sheegay mid ka mida qoyska Iid oo warbaahinta qoraal soo gaadhsiiyay.
Dadka qaar ayaa xadhiga Iiid la xidhiidhinaya mid looga jawaabayo dhaliilo uu dhawaanahan u jeedinayay xukuumadda oo dhinacyo badan khuseeya, hase ahaatee wali ma cadda sababta rasmiga ah ee xadhiga masuulkan sababtay.
Saraakiisha dawladda oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino xadhigiisa ayaanay noo suurto gelin inaanu helno, gaar kuwa ay khusayso arrintani ee daakhiliga.
Waxa uu noqonayaa xubintii ugu horaysay ee ka tirsan dalada siyaasaddeed ee MADASHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA la baxday, taasoo ay ku bahoobeen dad miisaan ku leh saaxada siyaasadda.
Waxaanu dhinaca kale ka mid ahaa Ururkii Xaqsoor ee doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ka qayb galay.
Ciidamada ammaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa isagana maanta xidhay siyaasi kale oo lagu magacaabo Axmed-like, kaasoo Maxkamadda Gobolka laga qabtay xilli ay socotay Dacwada wasiir ku-xigeenkii hore amniga.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews