Waxa fashilmay caawa kulan dhex mari lahaa Xisbiayda Mucaaridka ah iyo Xukuumadda talada haysa oo looga hadlayay diwaan-gelinta Muranku ka taaganyahay ee Medeniga ah.Golaha Wakiillada oo uu xeerkaasi horyaalo hada ayaa ansixintiisa maanta ka dabin dhowray, dibna ugu dhigtay Sabtida todobaadka soo socda.
Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa shalay khafiiyiyay go’aankii ay ku khafiifiyeen qaadacaada Diwaan-gelintaas, waxaanay sheegeen inay wada hadalka Xukuumadda u bilaabmay awgeed go’aankoodii hore uga laabteen, inkasta oo aanay si dhab ah uga wada noqon.
Waxaase caawa oo waji gabax cusub keenay faashilka kulan ay hudheelka Ambasador ku yeelan lahaayeen wasiirrada xukuumadda howshan u qaabilsan iyo Xubno ka socda Xisbiyadu, kaasoo ay u jartay xukuumaddu.
Sidaana waxa sheegay xubno u hadlay asxaabta oo goor dhaweyd warbaahinta la hadlay, kuwaasoo walaac ka muujiyay balan ka baxa xukuumadda.
Halkan ka Daawo: