Hargeysa(GNA)-Hogaanka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si adag u difaacay sharciyada ururkaas iyo xeer hoosaadkiisa oo ay gudidii qabanqaabada ee loo saaray shirweynaha shanaad ee ururku ay u ku kala qaybsameen nidaamka loo marayo soo xulista ergooyinka ka qeyb galaysa shirweynaha.shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen xarunta ururka ayaa waxay ku daadafeeyeen eedeeymo kaga yimid gudida odayaasha saxaafada ee iyagu iskood isugu xilqaamay xalinta khilaafkii hogaanka ururkaas u kala qaybiyay labada garab.
Gudoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo ka hadlay shirkaasi ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay qorshaha hogaanka ururku ka damcay shirweynaha dib u dhaca ku socda iyo waxyaabihii u qabsoomay intii ay hogaanka ahaayeen, iyo waliba sababaha kalifay in la kala diro guddidii qabanqaabada ee labaad iyo arrimo kale oo door ah.
Hoos ka dhageyso:
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/solja.mp3"][/audio]
Guddida is-xilqaantay oo afka furtay
Hadalka ka soo yeedhay hogaanka ururka SOLJA, ayaa daba socda shir ay maanta qabteen Guddida odayaasha saxaafadda ee isu xilqaamay xalinta Khilaafkii hogaanka hore ugu dhex maray arrinta shirweynaha.
Odayaasha ayaa sheegay in Shirweynihii Ururku qabsoomi doono 24 ilaa 25 bishan September ee socota, taasoo ay Madaxda iyo Guddida fulinta ee hada shaqada ka degayaa ku tilmaameen faro-gelin iyo carqaladayn Ururka lagu samaynayo.
Xuseen Cali Nuur oo ah Odayga ugu weyn Saxaafadda Somaliland hada, oo ka hadlay shirka jaraa’id ee ay Guddidoodu, ayaa dib u dhac ku yimaada Shirka Ururka ku tilmaamay mid god ku ridaya himilada iyo horumarka ururka.
Maxamed Cabdi Ilig oo xubin ka ah guddida is-xilqaameyaasha ayaa isna difaacay qaabka ay Guddida qabanqaabada ee la kala diray u soo xuleen Ergooyinka Shirka, waxaanu ku doodday in la gaadhay xilligii ay manjaraha ururka la wareegi lahaayeen daneeyayaasha daacada ka ah sugida, xoriyada, xuquuqda iyo himilada Suxufiyiinta ee horumarka.