Thursday, September 11, 2014

Xaqiiqadii Qadhaadhayd! By: Jamaal Abugiza

Jamaal CabdilaahiWaxaan manta doonayaa inaan bilaabo qisooyin dhab ah oo dhacay oo lagu magacaabo xaqiiqadii qadhaadhayd runtii waa qisooyin aad ulayaab badan oo hadaad si qoto dheer u dhuuxdo ama aad ula socoto aad ka heli doonto wax badan waxaanad ogaandoontaa in xumaankasta ood samaysaa ay kaa daba iman doonto waloow haba fogaatee waxaana iga afeef ah ilahay ka boqo meel kasta oo aad joogto waxaanad niyada ku haysaa in ilahay ku arkaayo shar iyo khayr waxaad falayso ha is dhihin dadku ima arkayaanoo waxaan doono ayaan samaynahayaa hadaad sidaa tidhaahdana waxaad tahay qof jaahil ah oo ka dhacsan xaqiiqada ah in ilahay kula socdo kuna arkaayo dhamaan afcaashaada oo dhan.

Hadaba iyada oo ay xaqiiqadu sidaa tahay ayaa waxaan bilaabi doonaa qisadii ugu horaysay oo aad u macaan sheekadani waxaay caan ku tahay hal ku dhig aad u macaan oo layidhaaho ( haday xaqiiqadu dadka ka qarsoontahay ilahay kama qarsoona) waana dhab murana kama taagna inay sidaa tahay.

Waxaa jiray nin lagu magacaabi jiray ABU MUXAMED oo ahaa nin maal qabeen ah waxaa uu guursaday gabadh lagu magacaabi jiray DAARIIN waxaa uu ku aroostay guri wayn oo dabaq ah oo uu isagu iska lahaa mudo dheer markay isqabeen ee aanay wali waxba u dhalin aadna ay u jeceshahay markay wax dhali doonto ee ay hooyo noqondoonto ayaa waxaa markaliya ay isku aragtay oo ay dareentay isbadal waxay wayday dhiigii caadada oo ka istaagay waxay dareentay madax xanuun fara badan waxay arinkii la socodsiisay ninkeedii ABU MUXAMED waxay tageen dhakhtar waxaa gabadhii DAARIIN loo sheegay inay uur leedahay way faraxday waanay la dhacday ninkeediina waa la farxay mudo kadib ayey fool qaaday hasayeeshee waa lagu jeexay dhalmadii oo waxay dhashay wiil ABU MUXAMED ayaa waxaa uu ku yidhi intaad umusha tahay waxaan kuu qabanayaa gabadh yar oo kuu shaysa waayahay ayey ku dhahday waxaa uu ukeenay islaan miskiinad ah oo guryahay u shaqayn jirtay markay mudo u shaqaysay ayaa waxay islaantii ku tidhi DAARIIN waxaan ahay islaan wayn oon shaqayn karahayn laakiin waxaa guriga ii joogta gabadh yar waxaan rabaa inaan taasi kuu keeno shaqadana anaa ku taba baraaya.

Gabadhii guriga lahayd ee DAARIIN way ka aqbashay oo islaantii waxay u keentay gabdheedii yarayd shaqadiina way ku taba bartay waanay kaga tagtay.

Gabadhan yari waa gabadh aad u qurux badan waxaana lagu magacaabaa JAMAALAAT, waxay timaadaa maalintii subaxa hore way u shaqaysaa waxay ka rawaxdaa galabtii.

Gabadhan yari oo ahayd mid ilahay qurux siiyey markay guriga imanahayso way soo labisataa oo isa soo qurxisaa waxaa arinkaasi aragtay gabadhii DAARIIN waxanay ku tidhi JAMAALADEEY iska jir markaad guriga imanayso ha soo labisan, ABU MUXAMED ayaa waxaa uu ku dhahay iska daa intay kuu iman lahayd iyadoo foolxun ha kuu timaado iyadoo qurux badan waa sax ayey ku dhahday waayo gabadhan DAARIIN waxay mar walba tixgalinaysaa talada ninkeeda mudo ayr ka dib ayaa waxay aragtay ninkeedii oo is badalay oo aan la sheekaysanayn siday caadadu ahayd oo subax walba inta uu soo maro oo qolkeeda ugu galo DAARIIN iyo wiilkeeda MUXAMED ayuu ku dhihi jiray walal iska waran ma wacan tahay runtii waa marxabaysiin jiray.

Ariinkaasi waxaa uu layaab ku noqday gabadhii DAARIIN way shakiday subax subaxaha ka mid ah ayey aragtayABU MUXAMED oo iska baxay way sii shakiday way kacday oo waxay kortay guriga qaybta sare waxay aaday qolkii hurdada ee uu ninkeeda iyo iyadu seexan jireen albaabka ayey furtay waaba gabdhii yarayd ee shaaqiyada ahayd ee JAMAALAAT oo intay lugta lugta dulsaartay ku labisan dharkii hurda ee ay iyadu ninkeeda kula seexan jirtay way naxday way qaylisan oo dhahday naa waa side waa maxay waxaad samaysay ma gogoshii ninkayga ayaad ku seexanaysaa oo waxaad xidhanaysaa dharkaygii hurdada.

JAMAALAAT ayaa ugu jawaabtay iska fiiri haalka aad dhahayso ninkan waa I guursaday waana ninkaygii halkaa ayaa waxaa ka bilaabmay dagaal waxaa dhacday in DAARIIN uu qaliinkii albaab kaga dhacay oo uu furmay way soo dhaadhacday wiilkeedii yaraa ee MUXAMED ayey dhabta ku qabsatay oo fadhiistay qolkeedii hoose way dhiig baxday waanay dhimatay.

Waxaa soo noqday oo yimid ninkeedii ABU MUXAMED waxaa uu arkay gabadhiisii DAARIIN oo mayd ah waa uu yaabay waxaa uu uyeedhay JAMAALAAT waxaa uu waydiiyey waxa dhacay waxay ugu jawaabtay hada ayaan ku lahaa xaga sare ha fuulin laakiin way diiday halkaasi ayaa waxaa lagu aasay gabdhiii DAARIIN.

Laba cisho kadib ayaa waxaa uu ABU MUXAMED u yeedhay DAARIIN eheladeedii waxaa u yimid hooyadeed iyo walaalkeed waxay ku soo heshiiyeen inay wiilka yar qaataan oo iyagu ay koriyaan ABU MUXAMED NA waa la qaatay arinkaasi waxaana uu sheegay inuu bilkasta masaariifta usoo diri doono laakiin waxaa arinkaasi hor istaagtay islaantii DAARIIN hooyadeed oo dhahday maya waxba ha keenin anaka ayaa korinayna waa sax ayuu dhahay.

Islaantii ayaa waxay isha ku dhufatay gabadh yar oo qurux badan oo joogta guriga way yaabtay islaantii waxay tidhi YAA ABU MUXAED waaayo gabadhan yari waxaa uu ugu jawaabay waa xaskaygii oo waxaan guursaday DAARIIN oo nool.

Islaantii way shakiday waxay garatay inay gabadheedii tani dishay dabeeto waxaa islaantii ka soo baxday weedhii aan xaga hore ku soo sheegnay oo ahayd ( haday xaqiiqadu dadka ka qarsoontahay ilahay kama qarsoona) waanay ka dhaqaaqday oy qaadatay wiilkeedii yaraa ee gabadheedu dhashay .

Waxaynu la socondoonaa dhamaadka qisadan lamagac baxday xaqiiqadii qadhaadhayd waana inoo qaybta labaad iyo waxa xigi doona .

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

jamaalsuxufi@hotmail.com

bestlawyer1982@hotmail.com