Magacyada qaar ka mid ah dhaawacyada iyo mid ka mida dhaawacyada oo waramay ...akhri Warbixin
Wasiirro ka socda Xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiin kale, ayaa soo gaadhay Caasimada Gobolka gabiley, kaddib mudaharaad rabshado wata oo jimcihii ka dhacay magaalada, kaasoo sababay dhimasho hal qof oo carruur ah iyo 6 kale oo dhaawac ah.
Bilayska ayaa rasaas nool hoos ugu riday dad mudaharaadeyaal ah oo isugu soo baxay waddooyinka Magaalada, taasoo dadka qaar seeraro ugu tagtay meelo fog fog.
Nin ay isku qoys yihiin Abaanduulihii 17-aad ee Ciidanka Qaranka ee lagu dilay degmada Qorulugud Maalin afaraad iyo wiil dhalinyaro ah oo u dhalay sarkaal bilayska ka tirsani ayaa ka mid ah dadka dhaawacmay, kuwaasoo dhaawacyo kala duwani soo gaadheen.
Maxamed Muuse Waaberi (Isleeke) oo ka mida Ehelada Sarkaalka lagu dilay Qorulugud ee ay shaqaaqadani ka dhacday dhimashadiisa, ayaa sheegay inay xabaddu ku dhacday isagoo masaajidka ka soo baxay salaadii duhur.
Maxamed oo Khadka Taleefoonka ugu waramay Wariye Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale) oo ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka waramay xaalada dadka kale ee ku dhaawacmay shaqaaqada, kuwaasoo uu sheegay in qaarkood Magaalada Hargeysa loo soo qaaday si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Waxa uu sheegay in dadkaa qaar dhaawacyo culus loogu soo qaaday Hargeysa,
“Rasaas Seerraro ah ayaa igaga dhacday halkaa naaska hoostiisa, anigoo ka soo baxay Masaajidka oo doonaya inaan dadka mudaharaadaya dejiyo oo aan ciidanka bilayska iyo dadka kala dhex galo, markii horena waxa dhacay iyo kacdoonkan warba kamaan hayn oo xalay (habeen hore) ayaan ka soo galay Aaskii Marxuumka ee Bariga. Sidaas ayaan markaa ku dhaawacmay , dabadeed waxa lay geeyay dhakhtarka, waana layga soo saaray gumicii igu dhacay”ayuu yidhi Maxamed oo adeer u ah Abaan-duulihii Ciidanka Qaranka ee dhintay.
waxaanu isagoo ka waramaya xaalada dadkii kale ee mudaharaadka ku dhaawacmay yidhi “ dadka dhaawacmay way badanyihiin, waxaana ka mida Nin dhalinyaro ah oo uu dhalay nin jananka Bilayska ee Gobolka gaadhigiisa wada oo magaciisa la yidhaahdo Axmed-nuur Cabdilaahi Xasan, waxaanay xabaddu fadhiisatay Bawdada. Waxa kale oo ka mid ah Gabadh ay Madaxa rasaastu kaga dhacday”, Maxamed Muuse oo lagu naanayso Isleeke, waxa uu intaas ku daray “Anagu marka horeba waxaanu doonaynay inaanu Madaxweynaha kala hadalno cida aanu u raacayno Ninkayaga dhintay, waxaanan sugaynay inay dawladdu tidhaahdo anagaa dusha ku qaadanay ama beeshii uu Ninka dilka geystay ay nagala xaasho, laakiinse ilaa hada cid aanu kala xaalnay ma jirto cid noo timi, shalay ayuunbaana dee aasku dhacay oo wali cid ismaanu haleelin”ayuu yidhi.
Wasiirro soo gaadhay Gabiley
Geesta kale, waxa Magaalada Gabiley, caawa soo gaadhay Wasiiro ka socda xukuumadda, kuwaasoo qorshaha imaatinkoodu la xidhiidho sidii ay ula tacaali lahaayeen, Dejinta Xiisadan khasaaraha dhalisay.
Wasiirradaasi waxa ka mid ah, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Maaliyada, Wershadaha, waxbarashada iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska, waxaanay isla caawaba kulamo la yeesheen qaybo ka mida Bulshada Magaalada ku dhaqan, gaar ahaan waxgaradka.
Gobanimonews
Gabiley Office
Email: editor@gobanimonews.com