Monday, September 8, 2014

Wasiir CADAMI oo ku Go’doonsan Damala-Xagare Iyo Shirkii oo Lasoo Afmeeray


Hargeysa(YOOL)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cadami iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ku go’doonsan Tuulada Damala-Xagare oo dhinaca Bari kaga began Magaalada Ceerigaabo, kadib markii uu tahli waayey inuu uu gaadho Tuulada Shirku uga socdo Beesha Warsangeli ee Xiingalool.




Wasiir Cadami oo Shalay ka baxay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, si uu uga qeybo Shirka Xiingalool ama Xukuumada uu ka tirsan ugu qanciyo in aan Shifo mooye Shirku Sharba u lahayn. Hase-yeeshee hinsidihii Cadami ‘Biyo Col Dhaanshay iyo Bar kuma taal’ kadib markii tab iyo xeelad uu awoodi waayey inuu helo fursad uu tago Shirka Beeshiisa, sidoo kale waxa Wasiir Cadami uu ku guul-dareystay isku day uu ku doonayey inuu Deegaanka Beeshu ku Shirayso uu kaga yimaado dhinaca Badhan haddii ay ku adkaato inuu si qumaati ah Shirka uga Magaalada Ceerigaabo. Hase-ahaatee waxa isku daygaa ka dhigay mid la mid ah hal-ku-dhigii ‘Jarmalow Mari mayso’ Ciidamo Deegaanka kasoo jeeda oo la amray inay Cir iyo Dhulba ka ilaaliyaan dhaq-dhaqaaqa Cadami iyo Shirka yimaado, Wejig-gabaxan ku yimi Wasiir Cadami oo lagu fasiray sida aanay Deegaankooda miisaan ugu lahayn Masuuliyiinta Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo kaga jira Bariga Sanaag iyo sida Xukuumadu ugu guul-daraysatay masuuliyadii ka saarnayd Dadka iyo Deegaanada Bariga Somaliland ee farogelinta lagu hayo.




Wasiir Cadami oo ah Nin gol-daloolooyinkiisa ku astura Aftahan-nimo, ayaa waxaan Shaki ku jirin in aanay ku adkaan doonin Wadhidaa iyo Waqcadaa la soo deristay inuu kaga dabaasho wixii ilaahay baray.




Geesta kale, Shirka oo Shalay Beeshu kasoo saartay go’aamo hordhac ah oo qaarkood ay lid ku yihiin jiritaanka Madax-bannaanda Axadda Maanta lagu soo kala ducaysto.




 




Khadar H.Hussein




Khadarhussein@gmail.com




Hargeysa, JSL.