Cirro, Jamaal Cali xuseen, Faadumo Siciid iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo ka hadlay rabshadaha Gabiley ka dhacay Jimcihii
Hargeisa, September 19, 2014 (GNA) - Xog-hayaha Maalliyada ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Marwo Faadumo Siciid Ibraahim Ayaa Ka Hadashay Shaqaaqada Maanta ay shacbiga gobolka Gabiley kaga jawaabeen saraakiishii lagu dilay Qorilugud iyo qaabkii ay xukuumaddu uga hor tagtay arrintaas.
Marwo Faadumo Siciid Oo Waraysi kooban oo arrintan ku saabsan Maanta Siisay Weriye Cabdirisaaq Maxamuud Caalin (Cabdoo) waxa ay shegtay in in ciidammada bilaysku si gurracan u waajaheen hakinta Mashaqadaas, waxa ay cambaaraysay dilka laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Militariga Somaliland.
Marwo Faadumo Siciid ayaa sii kulul uu cambaraysay ciidamada bileyska iyo dawlada Axmed Silaanyo. Iyadu sheegtay in aanay ku jiriin dastuurka Somaliland in muwadiniin mudahaarad salmi ah samayneya ay xabad nool ah loo adeegsado.
“dhacdadan oo kale mucaarid iyo muxaafidba ma kala lahaa, tan oo kale waa arrin fool xun. Mudaharadka qofka muwadinka ahi xaqbuu uu u leeyahay oo dasturkaa xaq u siiyey inuu mudaharad salmi sameeyo, dowladana waxa xil ka saaran yahay inay ilaaliyan aminga dalka iyo dadkaba”
Laakiinse laguma talo gelin lamana aqbali karayo in xabad nool muwaadiniinta loo adeegsado, dowladu waxay haysata oo istoodhada ay ku qariyeen, qalaabki lagu talo galay mudaharaadka ee ay ciidanka bileysku isticmaali lahaayeen. Qalabkaas markii aan uu shaqaneyey hay’ada UNDP ayaanu siiney anagu macaa tobabarka habka qalabkas ciidanku adgeegsan lahayeen ayaa la siiyay, Sababta loo siiyay wadamada reer ga lbeedku gar ahaan dowlada Ingiriska u siysay sii anay xabad nool loo adeegsan dadka muwadiininta ee mudaharada.”ayay tidhi Faadumo siciid.
Waxaanay intaasi ku dartay “Dasturkeenu maa ogola, diinteenuna ma ogola iyo shuruucdeenu ma ogola in carurteena, lala dhaco xabad nool oo dhimasho iyo dhawaac ku kenaysa. Marka waxan dowlada faraya inay iska dayaan xabadan nool ay dadki,i dhalinyartii iyo dumarkii loo adeegsaneyo”
inay iska dayaan. Waa arrin aad iyo aad uu fool xun oo meel kasto anuu marno ay na waydiiyaan waa maxay sababta ay dowladiinu uu isticmaali ladahay qalaabkii la siiyey oo lacagta farabadan ay dowladaha shisheeye oo tobabaraha farabadan ay ku bixiyeen loo isticmali layahay?”
Faadumo Siciid ayaa sidoo kale fariin u dirtay dadweynaha reer Gabiley “Waxan ugu dambaynti uu direya anigu fadumo sicid ah oo hooyo ah oo habaryaro ah, oo Eedo ah iyo ayayo ah. Shabiga reer gabiley aad iyo aad ban idin ka tacsideynayaa waxa idin ku dhacay, . Intii dhawantayna ilahay ha shafiyo, hadii qof ku dhimatayna ilahay ha uu naxaristo,
waxaana reer gabiley uu sheegayaa maanta waanu idinla oyaynaa oo waanu idin la baroordiiqeyna xannaunka idin ku dhacay wa xanuun anaga nagu dhacay.”ayey tidhi.
Cirro iyo Jamaal
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay Xukuumaddu uga hor-tagtay Muddaharaadeyaasha Gabiley.
Cirro oo War kooban oo Qoraal ah caawa Warbaahinta soo gaadhsiiyey, waxa uu ku sheegay inuu ka xun yahay, isla markaana aad u cambaaraynayo sida ay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo ula dhaqantay Shacabka reer Gabiley oo uu xusay inay Tacab badan iyo Abaal ku lahaayeen Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee talada haysa.
“Inaalillaahu Wa-innaa-Ileyhi Raajucuun. Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoysaska labada Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidammada Qaranka Somaliland ee lagu dilay Tuulada Qoril-ugud, anigoo Illaahay uga baryaya in uu Jannadii fardowsa ka waraabiyo, gacan ka xaq-daranbaa dishaye Illaahay ka abaal-mariyo.
Waxaanan Tacsidan u gudbinayaa dhammaanba Ciidammada Qaranka ee ay kabaxeen iyo shacbiga Reer Somaliland guud ahaanba, waxaanan si gaar ah uga tacsiyaynayaa dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla ee ay kasoo jeedeen iyo qoysaskoodii.
Waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumaddu ula dhaqantey Shacbiga Reer Gabiley ee Tacabka ku lahaa dhaawacyada soo gaadhay dhalinyarada muddaharaadayay ee Reer Gabiley aad ayaannu uga xunnahay, waxaanan leeyahay Illaahay nabar gardarro ha idiinka dhigo.
Waxa kale oo aan tacsi u dirayaa ilmaha yar ee ku dhintey rabshadaasi iyo qoyaskiisa, waxaanan Illaahay ka baryayaa inuu Shacabka Reer Gabileyna Samir iyo Iimaan ka siiyo, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgelyadooda ilaashadaan, oo ay dareenkooda si salmi ah u gudbiyaan.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa guddoomiye cirro.
Dhinaca kale, Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa cambaareeyey talaabada dawladdu ku cabudhinayso shacbiga, khaasatan habka ay ciidamada amnigu uga hortageen dadka gadoodsan ee reer gabiley.
Jamaal oo isna caawa warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay inay fool-xumo inteeda le’eeg ay tahay sida loola dhaqmayo shacbigu, xukuumadduna ka masuul tahay wixii dhib ah ee rayidka loo geystay.
Dhinaca kale, Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay xiisadan rabshadaha dhalisay ee ka dhacday Magaalada Gabiley.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dawladdu ka xuntahay dhibaatada dhacday, tacsina u diray dadkii eheladooda waxyeeladu ka soo gaadhay Mudaharaadka.
“Waxaanu ka xun nahay khasaaraha iyo dhaawacyadda soo gaadhay illaa toddoba qof oo shicib ah oo dhaawacyo fududi soo gaadheen iyo illaa saddex askari oo boolis ah oo dhaawacyo iyo nabarro ka soo gaadheen dhagaxaantii lala dhacayay ciidanka. Runtii dad fidmo abuur ah oo danno gaar ah leh ayaa warar been abuur ah ku faafiyay dadweynaha oo sheegay in ninkii askariga ahaa ee labada sarkaal ku dilay Qori-lugud inta la qabtay haddana la sii daayay. Waxaan leeyahay arrintaasi waa been iyo waxba kama jiraan ay dad warxumo tashiil ah oo la baadhayaa ay dadweynaha ku marin habaabiyeen,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu.
Mr. Dhuxul waxa uu sheegay in labadii sarkaal ee lagu dilay qori-lugud ay ahaayeen laba masuul oo ka dhintay qaranka Somaliland ee ay u shaqaynayeen, waxaanu yidhi “labadii sarkaal ee la dilay ma aha laba qof oo shicib ah oo ka baxay beelo ee waxay ahaayeen laba sarkaal oo ka geeriyooday dawladda Somaliland waa in arrinta sidaas loo fahmaa.”
“Xukuumadda Somaliland way u tacsiyadeysay labadii qoys ee ay ka baxeen labadii sarkaal waxaanay xukuumaddu qoysaskaasi la wadaagtay geerida waxaanay balan qaaday in askarigii dilay meel kasta oo uu galo gacanta lagu soo dhigi doono si sharciga loo horkjeeno,”ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com