Sunday, September 14, 2014

SOLJA: Guddidii qaban-qaabada oo mar kale la kala diray

soljaHargeysa(GNA)-Hoggaanka sare ee ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta ku dhawaaqey inay kala direen guddi dhawaan loo xulay qaban-qaabada shirweynaha shanaad ee ururkaasi, kaasi oo hore khilaaf uga taagnaa.

Guddoomiyaha SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf, Xoghayaha ururkaasi iyo xubno kale oo ka mid ah guddida fulinta ururka SOLJA, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ku dhawaaqey inay kala direen guddidii qaban-qaabada shirweynaha shanaad ee SOLJA, isla-markaana shirweynaha loo muddeeyay bisha labaad ee sanadka dambe, haddii Alle ogolaado.

Xasan Maxamed Yuusuf, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu kala dirney guddidii qaban-qaabada shirweynaha shanaad ee SOLJA, kuwaasi oo ka koobnaa 7 xubnood”

Guddoomiyaha SOLJA, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu Go’aaminay in shirka dib loogu dhigo wakhtigii ku munaasibka ahaa in la qabto, waxaanuna isla garanay Hoggaanka iyo guddida fulinta SOLJA in shirkaasi loo muddeeyo bisha labaad ee sanadka 2015-ka”ayuu yidhi.

Go’aanka Guddoomiyaha Wakhtigiisii dhamaaday ee SOLJA ayaa ka daba yimi, iyadoo xubno ka mida Guddida qabanqaabadu maanta Iclaamiyeen inuu shirweynihii shanaad ee ururku qabsoomayo 20- 21 bishan.

SOLJKAGuddidii qaban-qaabada oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in shirweynaha shanaad ee hore qaban-qaabadiisa loogu xil-saaray uu qabsoomayo.

Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilka-casse) oo xubnaha la kala direy u hadlay ayaa yidhi “Shirkii waxaanu u muddeynay oo uu innoo qabsoomayaa 20-ka iyo 21-ka bishan, waxaanu ka dhaci doonaa Hargeysa”

Mr. ilka-casse, waxa kale oo uu sheegay “Dhammaan cid kasta oo daneynaysay iyo wariyayaashu sidaa haku diyaar-garoobaan”ayuu yidhi.

Waa markii labaad ee la kala diray Guddida qaban-qaban qaabo oo Shirweynaha loo xilsaaray.

Guddida qaban-qaabada ee la kala diray, laakiin hawshooda sii wata ayaa waxa hore qaarkood u Magacaabay Guddi waayeelka saxaafadda ka kooban oo uu soo dhex galay khilaaf hore u soo kala dhex galay hoggaanka iyo guddida fulinta ee SOLJA, halka qaarkoodna ay soo kala Magacaabeen Guddoomiyaha iyo Guddida fulinta SOLJA.

Kala dirista Guddida qaban-qaabada, ayaa waxay salka ku haysaa khilaaf kale oo ka dhashay habka ay ku imanayaan ergooyinka ka qayb-galaya shirweynaha shanaad ee SOLJA.

Hoggaanka sare ee SOLJA, ayaa doonaya in ergooyinka shirka ka qayb-galayaa ay ku yimaadaan si shaqsi shaqsi ah, taasi oo waafaqsan siday ku doodayaan hogaanku xeer-hoosaadka Ururka.

“ hadii khilaaf dhexdooda yimi waxay ahayd in laysu keeno oo la dhexdhexaadiyo, laakiinse iyagoo iskhilaafsan ayay qoladani ku dhawaaqeen Shirka” ayuu u sheegay Gobanimonews Xasan Maxamed Yuusuf.

Dhinaca kale, Dooda qolada qabanqabaada, ayaa ah inaan xeerkii hore u jiray lagu salayn Karin shirweynaha “ Hay’adaha warbaahinta waxa ka imanayaa waa suxufiyiin ee maaha dad suuqa ka imanaya”ayuu yidhi Yaxye Sh. Ismaaciil oo ah xoghayaha Guddida qabanqaabada ee la kala diray.

“xeerku si cad uma qeexayo ciday noqonayaan ergada ka soo qayb gelayaa shirka, ma kala cadaynayo ma Hay’adaha ayaa soo xulanaya mise waxay ku imanayaan xubno” ayuu sii yidhi.

Hadii xubin xubin loogu soo casuumo Shirka suxufiyiinta oo dhan waxay noqonaysaa inuu qof kasta oo Suxufi ah ka qayb-galo” ayey ku doodayaan xubnaha guddida qabanqaabada shirka dib loo riixay wakhtigiisu.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inay sartu ka qudhunsantahay ama salaadu ka xidhmi la’dahay laba arrimood oo kala ah.

Dano gaar ahaaneed oo labada dhinacba aaraa’dooda laga dhadhansanayo iyo murug ama qabyo ku jirta Xeer-hoosaadka Ururka oo aan wax badan ka qeexayn arrimaha laysku hayo.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com