Wednesday, September 3, 2014

Siyaasi xadhig hore ka badbaaday oo maanta laga qabtay Maxkamadda


[caption id="attachment_94411" align="alignleft" width="300"]Siyaasiga Axmed Like oo Maxkamadda laga xidhay Siyaasiga Axmed Like oo Maxkamadda laga xidhay[/caption]Hargeysa (GNA) – ciidamada ammaanka Somaliland ayaa la sheegay inay xidheen siyaasi qurbo-joog ah oo dalk ku sugan



Ninkan oo la yidhaahdo Axmed Axmed Xassan Cali (Like), waxa la sheegay inay ciidanka RRU-du ka qabteen Maxkamadda Gobolka oo ay maanta ka bilaabantay  dhegeysiga dacwad lagu oogayo Wasiir-kuxigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan.



Axmed Like ayaa la sheegay in loo diiday inuu ka qayb-galo dhegeysiga Dacwada,dabadeedna ay murmeen ciidankii maxkamadda Ilaalinayay oo ahaa kuwa gaarka u tababaran, iyadoo murankaas ka dibna bilaysku qabteen una dhaadhiciyeen sal-dhiga dhexe ee caasimada.



Siyaasigan ayaa hore uga badbaaday xadhig lala damacsanaa in lagu taxaabo, kaddib markii uu dhaliilo xoogan u soo jeediyay xukuumadda xilligii Khilaafka Xisbiga talada hayaa taagnaa oo uu la safnaa dhanka Guddoomiyaha laga adkaaday ee Muuse Biixi Cabdi.



Goor habeen ah ayaa bishii Jully Askar bilays ah Gurigiisa ugu tageen, kuna amreen inuu sal-dhiga  u raaco, taasoo uu isna diiday, ilaa markii dambe ay iskaga tageen.



Waxa talaabadaasi ka dhalatay sida la aaminsanaa xilligaasi eedda uu u jeediyay Madaxtooyada ee Khilaafka Xisbiga la xidhiidhay, waxaanu ka mid noqon gaadhay dadkii loo xidh-xidhay khilaafkii xisbul xaakimka.



Warbaahinta qaar ayaa xadhiga ninkan u sibir saaraya in madaxtooyada laga soo amray markii hore ee uu isku dayga ahaa, balse haatan ma cadda sababta keentay.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com