Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Shirar kala Duwan la yeeshay Ururada Bulshada (civil society) iyo Bahda Waxbarashada,waxaana ujeedada kulamadu ahayd sidii diwaan-gelinta Medeniga ah ay wax uga ogaan lahaayeen.Kulamadan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii laysula meel-dhigi lahaa qaabka diwaan-gelintu u dhacayso, iyadoo Wasiirka Daakhiliga oo qayb ka ahaa shirarkaasi uu isu diwaan-geliyay muwaadinimo, hab tijaabo u ah diwaan-gelinta medeniga ah.
Sidoo kale Wasiir u dawlaha Madaxtooyada ayaa noqday qofkii labaad ee maanta lagu tijaabiyay Diwaan-gelinta, waxaanay ahaayeen shirar ku talo gal ah oo Madaxtooyadu iskaga mashquulinaysay wada hadalka ay doonayaan inay xukuumadda kala furaan khilaafka ay kaga soo horjeedaan diwaan-gelintaas.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay kulanka iyo diwaan-gelinta jinsiyadda, ayaa sheegay inay qaranka muhiim u tahay diwaan-gelintaasi, waxaanu intaas raaciyay in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabi doono.
Halkan ka Daawo:
Dhinaca kale, Xisbiyada Mucaaridka ah oo mar kale maanta Madaxtooyada kula ballamay xukuumadda ayaa ku hungoobay kulan ay la yeeshaan madaxweynaha oo ku mashquulsanaa shirarkan kale, waxaanay sheegeen inuu mar kale dhicisoobay wadahadalkii xeerka Diwaan-gelinaha isa saaran ee ay diidanyihiin ay doonayeen inay kala galaan xukuumadda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo maanta u soo qayshaartay inuu siilaanyo badheedhihiisa diwaan-gelinta Medeniga ah u cadeeyo ayaa warbaahinta u sheegay inay madaxweynaha iswaayeen.
Xisbiyada ayaa shalay ku hungoobay kulan ay xukuumadda u balansanaayeen oo xalay ka dhici lahaa hudheelka Ambasador, kaasoo ay wasiirradii la balansanaa ay u jareen.